Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxman Ciro oo waraysi dhiinacyo badan tabanaya siyay The New York times

0
15

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Waraysi Qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska caanka ah ee 𝐓𝐡𝐞 𝐍𝐞𝐰 𝐘𝐨𝐫𝐤 𝐓𝐢𝐦𝐞𝐬
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa uu Waraysi Qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey Wargeyska caanka ah ee The New York Times, Waxaana uu ku soo bandhigay guulahaha ay gaadhay Somaliland xag horumar, xag amni, xag bulsho iyo xag dimuqraadiyadedba.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu waraysiga ku iftiimiyey in dalka Somaliland uu yahay dal ku yaal goob istaraataji ah, dal hodan ah oo leh khayraad fara badan oo kala duwan oo dabiici ah, berri iyo badba.
Wargeyska, The New York Times, ayaa warbixin dheer oo xiiso leh kaga warramay nabadgelyada iyo dawladnimada ka jirta Somaliland, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dedaal dheer ugu jirto in Maraykanku aqoonsado madaxbannaanida Somaliland, isaga oo Madaxweynaha JSL Dawladda Maraykanka u soo bandhigay in ay si buuxda u isticmaali karaan Saldhiga Millatari iyo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo ku yaalla goob istaraataji ah oo mudnaan weyn u leh amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo weliba isu socodka Ganacsiga Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa kale oo uu waraysiga ku sheegay in isaga iyo dadkiisuba ay aaminsan yihiin in marka la eego fahamka sare ee uu Madaxweyne Donald Trump u leeyahay fursadaha xagga ganacsiga Caalamka ay dhalin doonto in uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Wargeyska caanka ah ee The New York Times waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu booqan doono Washington DC bilaha fooda innagu soo haya. Sida oo kale, Wargeysku waxa uu xusay in Madaxweynaha Somaliland uu Maraykanka u soo bandhigi doono heshiis ku wajahan iskaashi ganacsi, mid amni, mid istaraatajiyadeed iyo sidii looga wada faa’iidaysan lahaa xeebta Somalilabd oo uu dhererkeedu yahay in ka badan 500 Mayl.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝