Ciyaartii dhabta ahayd iminka ayay bilaabantay Somaliland iyo cadoowgeda Somaliland diidka

0
21

 

Ciyaartii dhabta ahayd imminka ayey u bilaabantay Somaliland iyo SSC- khaatumo ama Somaliland diidka.

Imaanshaha uu yimi “Marxuumka’ waa Xamsee magaalada Laascaanood waxay farxad iyo rayrayn u tahay wakhtigan xaadirka ah kuwii Somaliland nebcaa ee duminteed u oomanaa, laakiin waxaynu eegi doonaa cidda yeelatay qosolka ugu dambeeya. Rag baa u haystay inay burburiyeen riyadii reer Somaliland ee ahayd inay Somaliland ka mid noqoto qaramada beesha caalamka ka jira. Kuwii jeclaa inay Somaliland dumayaanow Ilaahay baan idiinku dhaarshee waxba ha uula hadhina, sababtoo ah Somalilandna waxa ka go’an inay shadaafaha idiin laabto ciyoon haddi Eebe idmo. Maanta waxay taagan tahay kii roonow reerka u hadh, oo labo uun bay mid noqonaysaa, inaad Somaliland gumeysaan oo iyagoo midiidan ah aad Soomaaliya dib ugu celisaan, ama iyadoo dadyowga Somaliland diidan( SSC-Khaatumo-Somalilanddiidka) khasab lagu ogolaysiiyo ka mid ahaanshaha Somaliland wakhti aan fogeyn.

Reer Somaliland waxaan kula talinayaa inaanay niyad jab ka qaadin imaanshaha “Marxuumku” ee Laascaanood. Waxaan u hubaa sidaan wedkeyga u hubo, inay guusho ku dambayn doonto Somaliland kadib markuu dhiig badani uu halkaas ku daato, ilayn Qaranimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga’e. Dawladnimadu waxay ku timaadaa dhiig dad oo lagu khamaaro, garina labo nin kama wada qosliso. Bal SSC-Khaatumow maanta khamaartee bal aynu eegno waxay idiin dhasho. Colaadii iyo nacaybkii aad sida gaarka ugu qabteen jiritaanka Somaliland geed dheer baad saarteene, bal aynu dhugano cida geedkaas ka soo rogta. Xikmad baa ahayd ” dhubuq dhubuq hore dhabano hays dambay leedahay”.

 

  • Waxa qoray siyaasi Alikubad Politician