“Sarkaal Ciidan Ayaan Ahaan jiray laakiin Maan Aqoonin Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Saraakiisha Aan Wada Shaqayno Ciidan Qaran Marka laga Hadlayo Wax ka Reeban Oo Xaraan Ah Saami Qaybsiga Marba inta is Qorta Ciidanka Ayaa Noqoto Saraakiil&Saraakiil Xigeeno iyo Dable
Umadaha Adduunku laba Shay Ayay ku Faanaan ilaashadaana Oo Astaana U Ah Kuwaas Oo kala Ah Calanka iyo Ciidanka Qaranka Ay Umadu leedahay Farxad Ayay Quluubtooda Buuxisaa Markay Daawadaan Calankoodii Oo la Saarayo Ciidankii Qarankuna Salaan Sharaf Ula Taaganyahay Waana Arrimaha Xoojiya Wadaniyada iyo kalsoonida Umadda.”
Ciidanka Qaranku Waa Astaanta iyo Sharafka Dal kastaa Uu Leeyahay Dawladnimaduna Waxay U Baahantahay Cudud ilaalisa Calankaas Dushooda Sudhan Waxa Dadyowga ka Caagan inay Ciidankooda Wax ka Sheegaan Ama Farafareeyaan, Dalalka Qaarkoodna Waaba Dambi Uu Mutaysto Qofku Haddii Uu Ciidanka Wax ka Qoro Sida Miisaaniyada Uu Ciidanku Soo qorto Dawladauhu Ma Falanqeeyeen Ee Sideeda Ayay U Sii Daayaan”
*Ciidan Qaran Oo Aynu Ku faani Karno Ayaa Maanta inoo Dhisan Waana Ciidan U Dhartay inuu Dhiigiisa U Huro Difaaca Dalkiisa Gudo iyo Dibadba Waana Ciidan Cadow kasta Oo Aynu leenahay Dhabarka Ka jabin kara, Askartii iyo Saraakiishii ku Geeriyooday Dagaalka Tuko-raq Waxay U Shahiideen Difaaca Dalkooda Qabiil May Difaacan Waxay Difaacayeen Umadooda iyo Dalkooda kuwa Maanta Noolina Waxay U Diyaar Yihiin inay U Dhintaan Difaaca Dalkooda”
*~Waxaan Maalmahan Warbaahinta Ku Arkayay Arrin Umadeena Ugub ku Ah Oon 27kaas Sanadood Ee Aynu Dawlada Ahayn ina Soo Marin Oo Ah Wax ka Sheegista Saraakiisha Qaranka Oo Beelo loo Jajabinayo Saraakiisha Ciidanka. Waa Arrin Aad U fool Xun inaynu ku kacno inagoo Cadow is Hayna Ciidankeenuna ku Suganyahay Jiidaha Hore Ee Dagaalka Waana Ayaan Darro Qof Dhiigiisa U Hibeeyay Dalkiisa in Hoos loogu Dhaadhaco Haybtiisa Waxay Ka Dhigantahay Taas Marka lagu Dhaqaaqo Qof Tiirkii Ugu Muhiimsanaa Oo Ah Ciidanka aqaranka Ee Dawladnimo Ku Taagnayd Dube la Dhacaya Oo kale. Waana Arrin ka Farxinaysa Cadowga Ciidankeenana Niyad jab ku Ridaysa. Soomaaliya waxay Dawlad U Noqon Weyday Waa Ciidan la’aanta”
▪Waxaan Siyaasiyiinta iyo Dadka kale Ee Arrintaas Ka Hadlaya Ka Codsanayaa in Hadday Mucaarad Yihiin ama Muxaafidba Meel Kale Ka Raadiyaan Mucaaradada iyo waxka sheega Ciidanka, laakiin Aanay Ciidanka Qaranka Ula Soo leexan Waxaanay Noqonaysaa Arrin Wadaniyada iyo Xilkasnimada Aad Uga Durugsan.”
AMB”Cawil ducaale Cali