Madaxweynihi hore Somaliland oo beertisa ku martiqaday mamuulaha Shirkada Dahabshill Cabdirashid

0
5

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐇𝐨𝐲𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐊𝐮 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩.

 

Madaxweyne Muuse ayaa xusay doorka mugga leh ee Dahabshiil Group ka qaadato horumarka dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo kobcinta adeegyada bulshada ee mandaqadda iyo caalamkaba.

 

Maamulaha Dahabshiil Group oo dhowaan kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Maraykanka, ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Jaamacadda Harvard oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn caalamka dhanka dhaqaalaha, sidoo kale waxa uu hore uga qayb qaatay kulano waaweyn oo ka dhacay Jaamacadaha UK sida Oxoford, kulamadaas oo lagaga hadlayay xoojinta horumarka dhaqaalaha, isku dirka lacagaha, koboca technology-yadda iyo Internet ka iyo horumarka caalamiga ah ee dhinacyada kala duwan (Beyond Borders).

 

Madaxweynihii hore iyo Maamulaha Dahabshiil ayaa hoosta ka xariiqeen kaalinta togan ee shirkadaha waa weyn ee sida Dahabshiil ay ka sii qaadan karaan mustaqbalka xoojinta horumarka goob walba oo ka mid tahay arrimaha la xidhiidha biyaha iyo shaqo abuurka, dowladuna arintaasi ay tahay in Kala shaqeeyaan shirkadaha meel walba gobolka iyo caalamka sida (public-private partnership).

 

#Dahabshiil #MuuseBiixi #Harvard #BeyondBorders #Biyaha #HorumarkaDhaqaalaha

https://www.facebook.com/share/v/1YRH27QYMH/