๐๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐.
Hargeysa-23-01-2025-()- Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka .
Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.
Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025.
Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent).
๐๐ก๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐๐ฅ๐, ๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ ๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก๐๐:
1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Haโyaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir.
2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL.
3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka.
4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka.
5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka.
6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer.
๐๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ ( ๐๐๐ฒ๐ซ )
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐omaliland.