Mushahar u kordhinta ciidamada Qaranku waa talaabo muhiim ah oo muujinaysaa ka go’naanshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro in la daryeelo iyo in la hagaajiyo nolosha ciidamada.
Sidoo kale tirakoobka iyo kaydinta xogta rasmiga ah ee xubnaha ciidanku waa talaabada koobaad ee dib u habaynta iyo tayaynta ciidamada Qaranka.
Waan ku bogaadinayaaa Madaxweynaha ku dhiirishada talaabadan muhiimka ah. Waxa hubaal ah in ay arrintaasi kor u qaadayso mooralka iyo niyadda ciidamada kala duwan ee Qaranka.
Anwar Warsame
Gudoomiyaha Dallada sonsaf