Madaxweyne Muuse-Biixi Oo Bilaabay Dhacdo Ugub Ku Ah Hogaaminta Somaliland Joojiyayna Inuu Shaaciyo Oo La Ogaado

0
211
Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu bilaabay qorshe uu si hoose ugu dhaqaaqayo marka uu magacaabayo xilal ka tirsan xukuumaddiisa si ka duwan gabi ahaanba sidii uu markii hore yeeli jiray iyo waliba isaga hortii Madaxweynayaashii hore, taasi oo ah in masuuliyiinta loo magacaabo xilalka dawladda magacyadooda la shaaciyo laguna baahiyo warbaahinta kala duwan ee dalka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa taasi baddalkeeda waxa uu bilaabay in uu qariyo ama si hoose uun inta loo magacaabo qofka xilka loo dhiibayo lagu socodsiiyo warqadda magacaabistiisa sidaana qofka xilka loogu magacaabay uu toos u tagayo xafiiska xilka looga dhiibay iyada oo xaaladdu qarsoodi iyo aamus tahay, waana arrinta hadal haynta ugu badan ka dhalisay majlisyada siyaasadda lagu falanqeeyo saacadihii ugu dambeeyey kadib markii ay soo baxday in Madaxweynuhu mar kale sameeyey magacaabis aamusan oo joog hoose ku socota. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa markii labaad waxa uu ku dhaqaaqay muddo kooban gudaheed in uu masuuliyiin kala duwan si hoose aan shanqadh lahayn ugu magacaabo xilal kala duwan iyada oo masuuliyiinta ugu dambeeyey ee uu Madaxweynuhu sida hoose u magacaabay ay kala yihiin: Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo uu laba todobaad ka hor magacaabay balse illaa hadda aan lagu shaacin Warbaahinta dalka, Bogga Madaxtooyada iyo guud ahaan meelo kale oo gaar ah. Waxa kale oo iyaguna si weyn loo hadal hayaa masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Tacaliinta sare oo lagu macaabo Amiin Gadiid iyo agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid oo xoghayn u ahaan jiray Madaxweyne Ku xigeen Saylici oo iyaguna uu Madaxweyne Biixi si hoose xilalkaasi ugu taxay islamarkaana aan illaa hadda la shaacin balse la xaqiijiyay. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii lagu war helay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay xilal ay ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu u magacaabay Maxamed Cabdillaahi Ducaale (Ilkacase). Waxaanay magacaabistan cusubi saacadihii ugu dambeeyey ku soo beegmaysaa in ay noqoto tii labaad ee Madaxweynuhu si sanqadh la’aan ah uu magacaabistiisa uga soo dusiyo qarsiga Madaxtooyada. Dad badan ayaa arrinkan Madaxweynuhu hoos ugu dhigay magacaabisaha waxa ay ku fasireen siyaalo kala duwan iyada oo qolo waliba dhinac ula kacday. Dadka Qaar ka mid ah dadka siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Muuse la socdaa waxa ay ku macneeyeen in Madaxwenuhu hoos u dhigayo dareenka ay samayso magacaabistu iyo sida ay shacabku markaaba diiradda u saaraan deegaamada Masuuliyiinta xilalka laga qaado iyo kuwo la magacaabaa ka soo jeedaan taasi oo keenta kor u kac xamaasadeed oo qabiilaysan. Dadka qaar kale waxa ay ku doodayaan in Madaxweynuhu qorshahan qarsoodiga ah ee uu xilalka ku magacaabayo uu uga dan leeyahay in uu daboolka ku saaro hannaanka xulasho iyo dadka uu xilalka u doorto oo mar walba dhaliilo xooggani uga yimaaddaan shacabka kuwaasi oo la saluug weyn ka muujiya mar walba tayo xumada dadka uu xilalka u dhiiibto qaarkood tasi oo saamayn weyn ku yeelata wax-qabadka xukuumaddiisa. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guda galaya dhawaan sannadkiisii shanaad ee ugu dambeeyey muddo xileedkiisa tan iyo markii xilkan loo doortay dabayaaqadii sannadkii 2017, waxaanay dad badani ku dhaliilaan muddodaasi in aanu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu wax la taaban karo dalka ka qaban marka la barbar dhigo xukuumaddii isla xisbiga KULMIYE ee isaga xilka uga horraysay oo si walba uga wax-qabad badnayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here