Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa shaqadii ka hakiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Dirir.
Wasiirka ayaa Agaasimaha ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin: in uu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn, in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka.