Shaqadeedu Waxey Aheyd In Ay badbaadiso Balse Dilkooda Ayaa Lagu Eedeyay

0
290

Kalkaalisadaan caafimaad ayaa loo haystaa dilka siddeed carruur ah iyo isku day dil 10 kale oo caruur ah waxaana haatan la diiday in qaab dammaanad ah lagu sii daayo maadama uu jiro tuhun ah in ay dilka ilmaha yaryar gaysatay.

Lucy Letby, oo 30 sano jir ah kuna nool degaanka Hereford ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay shan will iyo seddex gabdhood ku dishay cisbitaalka Chester intii u dhexesay bishi lixaad ee sanadkii 2015-kii ilaa bishii lixaad ee sandkii 2016-kii.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay isku day dil shan wiil iyo shan gabdhood.

Ms Letby ayaa dib loogu celiyay xabsiga kadib markii dhagaysiga dacwadeeda uu ka dhacay maxkamadda Chester Crown

Dhegeysi dacwadeed dheeri ah ayaa lafilayaa inuu ka dhaco maxkamada sare ee Liverpool 18-ka bishaan Nofeembar.

Isbitaalka Chester

Booliska deegaanka Cheshire ayaa sameeyay 17 baaritaann bishii May ee sanadkii 2017-kii waxaana baaritaannadaas lagu sameeyay dhimashada 17 caruur ah oo ka dhacay Isbitaalka Chester intii u dhaxeeysay bilihii Maarso ee sanadkii 2015-kii iyo Juulay ee sanadkii 2016-kii.

Ms Letby ayaa horey loo xiray sanadihii 2018-kii iyo 2019-kii. Mar kale ayaa dib loo soo xiray Tallaadadii iyadoo Arbacadiina lagu soo oogay dacwadahaan la xiriira in ay caruur dishay .

Lucy Letby iyo qareenkeeda Richard Thomas

Falkaan ayaa u muuqda mid walwal ku abuuray waalidiin badan waxaana boolisku sheegen in waalidiinta dhalay caruurta la dilay dhamanatood lala socodsiinayo waxyaabaha ku soo kordha arrimahaan,waxaana loogu baaqay qoysaska in ay booliska la shaqeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here