Doorashada Maraykanka: Dib U Tirintii Sanadkii 2000 Ka dhacday Florida Iyo Tan Hadda Maxay Ku Kala Duwan Yihiin?

0
287

Saacado ka dib markii la xidhay goobaha codbixinta ee doorashada Maraykanka, ee la tirinayey codadkii ayaa Donald Trump ku andacooday in uu dhacay musuq doorasho isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin, waxaanu yidhi “waxaanu socon doonaa ilaa Maxkamadda Sare ee Maraykanka”.

Ilaa maanta doorashada keliya ee go’aan Maxkamadda Sare ka soo baxay lagu joojiyey waxay ahayd 2000 markii George W Bush ka adkaaday Al Gore.

Markaa waa wax la filan karo in la damco in la isbarbar dhigo labada doorasho laakiin waxase jira wax la ildoofi karo.

Doorashadii 2000 waxay ku koobnayd gobol keliya- Florida- oo labada musharax ay kala horeeyeye dhawr boqol oo cod oo keliya. Taa bedelkeed se Donald Trump wuxuu dacwad ka gudbiyey dhawr gobol codka musharaxii la tartamayey Joe Biden kaga horeeyaana aad bay uga badan yihiin.

Maxaa dhacay 2000?

Doorashadii la isku qabtay ee la isku dhawaa taariikhda Maraykanka, madaxweyne xigeenkii Dimuqraadiga ahaa ee Al Gore ayaa la tartamayey badhaabkii gobolka Texas ee Jamhuuriga ahaa oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W Bush.

Ra’yi ururintii la sameeyey waxay muujiyeen in labadu aad iskugu dhaw yihiin. Markii gabalku dhacay ayayey cadaatay in natiijada gobolka Florida iyo 25 keeda cod [haatan se noqotay 29] cod gole-doorasho.

Markii tirinta codadka la bilaabay ayaa TV yada maraykanku sheegeen in gobolka Al Gore ku guulaystay, laakiin markii dambe ayay ka noqdeen iyaga sheegay in aad la isugu dhaw yahay oo ay adag tahay in wax la odorosaa.

Al Gore (midig)

Hadan saacado ka dib ayay TV yadii ku dhawaaqeen in George W Bush ku guulaystay Florida. Hase yeeshee waxa soo baxay codadka lagu kala horeeyaa aad u yaryihiin.

Baaxaa deggaa la yaabka leh waxa ugu sii daray markii Gore telefoon u diray Bush ee guusha ugu hambalyeeyey hadana waxoogaa ka dib ku celiyey oo ka noqday hadalkiisii hore.

Khilaafkii wuxuu dhamaaday markii Maxkamadda Sare ee Maraykanku guushii u xukuntay George Bush ee ay sheegtay in hadii tirinta lagu celiyo ay keeni karto “culays aan gar ahayn oo doorashada dhantaasha”. Kama dambaystii codadkii lagu kala baxay waxay noqdeen 537 cod oo keliya.

Gore ayaa aqbalay in laga guulaystay waxaanu sheegay in kasta oo aanu ku qanacsanayn go’aanka maxkamadda, in uu hadana aqbalay.

In kasta oo lagaga guulaystay doorashada, Al Gore wuxuu helay 48.38% codadkii shacabku dhiibteen oo dhan halka Bush ka helay 47.87%.

Haatan sidee arintu uga duwantahay?

Sannadkii 2000 ku celintii tirinta waxa jiray codad “muran ka taagnaa” oo dood laga qabay.

Maanta se waxa jiraa waa eed musuq dhacay uun ah oo aan wax cdayn ah loo hayn.

Qareennada madaxweyne Trump waxa dacwado ka gudbiyeen ugu yaraan saddex gobol. Doodiisa aan caddaynta lahayni waxa weeyi inuu sheegayo in “musuq balaadhan oo heer qaran ahi dhacay”. Wuxuu mudadaba shaki a qabay codadka boostada lagu so dhiibtay isaga oo ku sheegay arinta doorasho la “musuqay” arintaas oo uu waday tan iyo bishii Abriil isaga oo aan wax caddayn ah oo la taaban karo soo bandhigin.

.

Khubarada shacriga doorashooyinka ayaa sheegay in ay dhif tahay in musuq dhacay taas oo saamayn karta tiro aad u yar oo codad ah.

Haatan Biden wuxuu gobollada lagu mursansanyahay Trump kaga horeeyaa kumanaan ama tobanaan kun oo cod.

Gobolka Georgia, Trump waxa lagaga horeeyaa 14,000 oo cod. Waana tiro yar oo keeni karta in tirinta lagu noqdo sida sharcigu dhigayo laakiin waxaa sidoo kale la qabaa in aanay isbedel weyn keeni karin.

Garyaqaannadii ka qayb galay dacwaddii doorashadii 2000 ee madaxtooyada ee labada dhinac kala metelayey ayaa si cad u sheegay in aan labada xaaladood la is barbar dhigi karin.

“Run ahaantii doorashadu way dhamaantay. Mana jiro wax soo baxay oo muujinaya in ay dhaawici karaan natiijada guud ee doorashada” ayu yidhi David Boies ooh aa qareenkii hogaaminayey garyaqaanadii Al Gore ee dacwadii 2000. “Ma jirto goob ay gar sharci ah ku helayo ololaha doorashada Trump oo ku saabsan muranka doodda lga qabo natiijada gobolladaa midkood”.

Maxkamadda Sare ma go’aamin doontaa natiijada?

Trump wuxuu marar badan wacad ku maray in uu dacwadiisa gaadhsiin doono Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

Laakiin sidaa uma sahlana arintu.

Sida caadiga ah, kooxaha qareenada ah ayaa ay tahay in ay dacwadooda ka bilaabaan maxkamadaha heer gobol in kasta oo xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka, William Barr, ay tahay inuu ansixiyo ”baadhitaanno hor dhac ah” oo uu sameeyo xafiiska xeer ilaalinta heer federaal.

Garsooreyaasha heer gobol ayay tahay markaa in ay difaacaan go’aankooda.

Maxkamadda sare ayaa marka dacwadda la hor geeyo laga codsan doonaa in ay garta dhan siiso.

Haseyeeshee waa in ay jirtaa dood sharci oo cuskanaysa su’aalo ku qotoma dastuurku.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa todobaadkan horaantiisii qoraal ku sheegay in baadhitaanada ay bilaabi karaan dacwad oogeyaal heer federaal ah oo ka socda xafiiska xeer ilaalinta ”hadii ay jiraan caddaymo aan la dhaafi karin ooo muujinaya in ay dhaceen khaladaad iyo musuq”.

Ilaa haatan se ma jiraan caddaymo la soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here