Trump Xilka Dib Ma Ugu Laaban Karaa?

0
274

Donald Trump wuxuu xafiiska madaxweynaha Mareykanka sii joogi doonaa ilaa 20-ka bisha January, markaas oo uu shaqada ku wareejin doono madaxweynaha isaga baddalaya. Sidaas awgeed, maxaa laga yaabaa inuu markaas kaddib sameeyo?

Madaxweyneyaasha Mareykanka ee xilka ka daga waxay ku biiraan dallad ay ku mideysan yihiin.

Jimmy Carter oo sida Trump xilka looga guuleystay markii uu dhammeystay afartii sano ee ugu horreysay wuxuu ku biiray hay’ad ka shaqeysa arrimaha bani’aadannimada.

Sidoo kale George W Bush – oo loo yaqaanno Bush-kii weynaa – wuxuu ka mid noqday olole lagu beerayo ubaxyada quruxda badan.

Laakiin Trump horay uma uusan lahayn taariikh dhinaca siyaasadda ah.

“Donald Trump waxyaabo badan ayuu burburiyay intii uu madaxweynaha ahaa,” ayuu yidhi Tim Calkins, oo ah barfasoor wax ka dhiga jaamacadda Northwestern, kulliyaddeeda maamulka.

Presidents Carter, Clinton, Obama and Bush wait backstage to be introduced during the dedication of the George W. Bush Presidential Library and Museum
Qaar ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka, haddana jooga. Laga billaabo dhanka bidix:Jimmy Carter, Bill Clinton, Barack Obama iyo George W Bush

Haddii aan dib u jalleecno taariikhda siyaasadda Mareykanka, hal madaxweyne oo kaliya ayaa markii afar sano looga saaray Aqalka Cad ay u suuragashay inuu mar kale dib ugu soo laabto.

Wuxuu ahaa Stephen Grover Cleveland, oo soo noqday madaxweynihii 22-aad iyo madaxweynihii 24-aad ee Mareykanka. Waa ninka kaliya ee taariikhda Mareykanka madaxweyne ka noqday labo jeer oo aan isku xigin.

Markii hore wuxuu xilka hayay intii u dhaxeysay 4 March 1885 – 4 March 1889, markii labaadna wuxuu hayay 4 March 1893 – 4 March 1897.

Muddo siddeed sano ah ayuu Cleveland hoos ordayay Aqalka Cad, ugu dambeynna wuxuu ku guuleystay doorashadii dhacday markii uu xilka labada jeer dhammeystay madaxweynihii kala wareegay Aqalka Cad.

Hase yeeshee sida dastuurka Mareykanka ku xusan, hal madaxweyne looma oggola inuu xilka qabto wax ka badan labo jeer, sidaas ayuuna Grover Cleveland xafiiska ku banneeyay markii uu joogay afar sano.

Waddadaasoo kale way u furan tahay Trump, inkastoo ay tahay mid aan lagu fakarin.

Madaxweynaha looga adkaaday doorashadii dhacday 3-dii bishan November wuxuu ku andacooday inaan si caddaalad ah loo tirinin codadka, wuxuuna sheegay inuu maxkamad la tiigsan doono natiijada.

Su’aasha ay hadda dad badan isweydiinayaan ayaa ah tallaabada xigta ee uu Mr Trump ku dhaqaaqi doono marka uu ka soo baxo Aqalka Cad.

“Ma jirto sabab aan ugu maleyno in Donald Trump uu raaci doono waddada ay raaceen madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka.” Ayuu yidhi Barfasoor Calkins.

Haddaba waa kuwan waxyaabaha ay suuragalka tahay inuu sameeyo.

1- Inuu xilka usoo istaago mar kale

US President Donald Trump

Waxaa laga yaabaa in Mr Trump uusan sidaas uga harin hammigiisa siyaasadda – wuxuuna sameyn karaa isla sidii uu sameeyay Grover Cleveland, si uu mar labaad xilka u helo.

Dastuurka Mareykanka wuxuu mamnuucayaa in hal qof uu madaxweyne noqdo wax ka badan labo jeer, laakiin labadaas jeer khasab ma aha inay isku xigaan.

La taliyeyaal hore ayaa sheegay in Mr Trump laga yaabo inuu sidaas sameeyo.

“Waan hubaa inuu ka mid noqon doono dadka faro ku tiriska ah ee lagu soo dari doono musharraxnimada doorashada madaxweynaha ee 2024-ka,” ayuu yidhi Mick Mulvaney, oo horay u ahaa madaxa shaqaalaha.

Mr Trump wuxuu aad u jecel yahay ololeynta, wuxuuna doorashadan ka helay codad gaadhaya 71.5 milyan – taasoo ah tiradii ugu badneyd abid ee uu helo musharrax laga guuleystay.

Arrintaasi waxay toosh ku ifineysaa inuu yahay nin taageero aad u ballaadhan ku dhex heysta shacabka Mareykanka.

Eric Trump, Ivanka Trump, US First Lady Melania Trump, Tiffany Trump and Donald Trump Jr are seen ahead of the first presidential debate

Waxaa xitaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan in wiilka ugu weyn carruurta madaxweyne Trump, oo lagu magacaabo Donald Trump Jr, uu daneynayo xilka madaxweynaha Mareykanka.

Taasina waxay sii xoojineysaa sida qoyska reer Trump ay u sameyn karaan soo rogaalcelin.

2- Inuu badbaadiyo ganacsigiisa

Ka hor inta uusan siyaasi noqonin, Mr Trump wuxuu ahaa ganacsade weyn oo guryaha dhisa. Wuxuu sidoo kale ahaa xiddig barnaamijyada telefishinnada qabta. Magaciisa caanka ah ayuu u adeegsan jiray qandaraasyada ganacsiga ee waaweyn.

Waxaa laga yaabaa inuu hadda dib ugu laabto howlahaas, oo uu kasii wado halkii uu uga tagay afar sano ka hor, sidaasna ugu soo noqdo saaxada ganacsiga ee adduunka.

Wargeyska New York Times ayaa soo tabiyay in Mr Trump ay sannadaha soo socda usoo noqoneyso lacag deyn ahaan uga maqneyd oo kor u dhaafeysa $400m (£300m). Hase yeeshee isagu wuxuu sheegay in lacagtaas ay wax aad u yar tahay markii loo eego hantidiisa guud ahaaneed.

 

A person walks outside the Trump International Hotel and Tower in New York City

Trump wuxuu leeyahay shirkad ganacsi oo ay u shaqeeyaan hoteello badan iyo garoomo lagu ciyaaro golf.

Wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha iyo hantiilayaasha caalamka ayaa lacagta uu Trump heysto ku qiyaasay ilaa $1bn oo doolar.

Balse Trump iyo shirkaddiisuba waxay canbaareeyeen qiyaasta wargeskaas oo ay ku tilmaameen mid aan si sax ah loo helin.

3- Inuu noqdo milkiile warbaahineed

Madaxweyne Trump kuma cusba howlaha telefishinnada, maadaama uu barnaamijyo aan jilitaan ahayn soo qaban jiray.

Sidaas darteed waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan inuu faraha lasoo gali doono wararka caadiga ah.

Waxaa u furan inuu ama aasaaso warbaahin isaga u gaar ah ama uu bah-wadaag la noqdo warbaahin horay usii jirtay.

Donald Trump attends the "Celebrity Apprentice" Red Carpet Event at Trump Tower on January 5, 2015

Shirkadaha ay suuragalka tahay inuu wadashaqeynta la sameeyo waxaa ka mid ah One American News Network (OANN) ama Newsmax.

OANN waa telefishin si weyn u taageersanaa madaxweynaha intii uu xilka hayay.

Christopher Ruddy, oo ah madaxa warbaahinta Newsmax, oo ah telefishin asal raac ah, ayaa faallo uu daabacay wargeyska Washington Ost waxay ku tilmaantay inuu yahay qofka dhagta wax ugu sheega Trump.

Warbaahin kale oo uu la midoobi karo Trump ayaa iyana jira.

4- Inuu howl-gab ka noqdo xilka madaxweynaha

Mr Trump wuxuu xaq u yeelan doonaa lacago howlgabnimada madaxweynenimada ah iyo xuquuq kale oo farabadan, marka uu xafiiska ka tago.

A view of Mar-A-Lago, the Palm Beach, Florida home of Donald Trump from the West Palm Beach

Sharciga lagu qeexo arrimaha la xiriira madaxweyneyaashii hore, oo la ansixiyay sanadkii 1958-kii, wuxuu dhigayaa in sharafta shakhsiga xilka soo qabtay la ilaaliya, wuxuuna siinayaa faa’iidooyin ay ka mid tahay in loo qoondeeyo dhaqaale sanadle ah, kaasoo sanadkii 2017-kii ahaa $207,800 (£158,124).

Sidaas darteed, Mr Trump oo hadda ay da’diisu tahay 74 sano, wuxuu go’aansan karaa inuu si tartiib ah howl-gab u noqdo.

Wuxuu usoo jeedsan karaa sidii uu lacagtiisa usii badin lahaa, islamarkaana u diyaarin lahaa maktabaddiisa madaxweynenimada.

Madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka waxay sameystaan madxafto iyo maktabado laga hirgaliyo gobollada ay kasoo jeedaan.

Xilliyada uu firaaqada heystana wuxuu iska ciyaari karaa golf – oo ah nooc ka mid ah ciyaaraha uu aadka u jecel yahay.

Laakiin Barfasoor Calkins uma muuqato in Trump uu yahay nin sidaas ku aamusaya.

“Donald Trump shakhsiyaddiisa ma aha mid meesha ka bixi karta, waxay ila tahay inaan magaciisamuddo dheer kusii arki doonno caalamka,” ayuu yidhi.

Bishii October, Mr Trump waxaa la isla dhex marayay hadal uu yidhi Mr Trump oo ahaa “Haddii doorashada la iiga guuleysto waxaan dareemi lahaa si xun, waxaa suuragal ah xitaa inaan waddanka isaga tago, ma garanayo waxa aan sameyn doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here