Shacabka Tigreeda Oo Lagu Amray Inay “iska Difaacaan” Dowladda Itoobiya

0
279

Dowlad deegaanka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya ayaa amar ku bixisay in la abaabulo guud ahaan dadka ku nool gobolkaasi, xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaad xooggan ay ka dhacdo gobolkaasi.

Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay “iska difaacaan duulaanka” dowladda federaalka ee Itoobiya.

Rai’salwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horraan ku gacan seyray codsi uga yimid maamulka Tigreeda, kaasi oo ahaa in dhibaatada ka taagan gobolkaasi lagu xalliyo wadahadal.

Boqollaal qof ayaa colaadda gobolkaasi ku dhimatay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay, taa oo u dhaxeysay ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya iyo kuwa maamulka gobolka Tigreeda.

Abiy

Afartii bishan ayaa ra’iisalwasaare Abiy Axmed waxa uu amar ku bixiyay in tallaabo milatari laga qaado maamulka Tigreeda, kaddib markii xoogag taabacsan maamulkaasi Tigreeda ay weerareen isla markaana ay la wareegeen saldhig milatari oo ciidamada dowladda Itoobiya ay ku leeyihiin xarunta gobolkaasi Tigreeda ee Mekelle.

Bilihii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa maamulka Tigreeda iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

Tigray

Dhanka kale, hay’adaha samafalka ayaa ka digaya suurtagalnimada in dad gaaraya 200,000 oo qaxooti ah ay miciin bidi karaan dalka deriska ah ee Suudaan.

Maamulka Tigreeda ayaa dhankooda dowladda deriska ah ee Eritrea ku eedeeyay in ay duulaan ku soo qaaday qeybo ka mid ah dhulkooda, gaar ahaanna deegaannada dhaxa xudduuda labada dal balse dowladda Itoobiya iyo tan Eritrea ayaa labaduba beeniyay eedeymahaasi.

Tigray

Milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in muddadii uu dagaalka socday la dilay 550 ka tirsan ciidamada maamulka Tigreeda.

Dhaqdhaqaaqa xoreynta dadka Tigreeda ee TPLF ayaa muddo dheer qeyb ka ahaa isbahaysiga muddada dheer xukumayay dalkaasi Itoobiya balse ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa wiiqay awoodda TPLF kaddib markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018.

Xaaladda ayaa ka sii dartay sanadkii 2019 kaddib markii ra’iisalwasaare Abiy Axmed uu soo af-jaray colaaddii muddada 20-ka sano ka dhaxeysay waddamada Itoobiya iyo Eritrea, waxa uuna sidoo kale xilligaa kala diray isbahaysigii hayay xukunka dalka.

Abiy

Isbahaysigaasi ayuu ka dhigay hal xisbi qaran oo ah xisbiga barwaaqada (PP), kaa oo hoggaanka TPLF ay diideen in ay qeyb ka noqdaan.

Hoggaamiyeyaasha Tigreeda ayaa maamulka ra’iisalwasaare Abiy ku eedeeyay in uu beegsanayo iyaga isla markaana uu haatan yahay mid aan sifo sharci ah ku joogin xafiiska maadaama muddo xileedkiisii uu dhammaaday.

Tigray

Maamulka Abiy ayaa dib u dhigay doorashadii dalkaasi ka dhici lahayd bishii Agosto ee sanadkan, sababo la xiriira cudurka Covid-19, arrintaa oo maamulka Tigreedu ay ka biyo diideen.

TPLF ayaa bishii Sebteembar ee sanadkan gobolka Tigreeda ka qabtay doorasho dowladda dhexe ay ku tilmaantay sharcidarro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here