Nagorno-Karabakh: Dibadbaxayaal reer Armenia ah oo cambaareeyay heshiiska ‘khiyaanada ah’

0
245

Ra’iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa iska-dhega-triay waqti kama dambays ah oo ay u qabteen dibadbaxayaasha ku sugan caasimadda waddankaasi ee Yerevan si uu xilka u banneeyo, arrintaan oo timid kaddib markii uu ogolaaday heshiis lagu soo afjaraayay dagaalkii ka socday gobolka Nagorno-Karabakh.

Cadaadis ka yimid asxaabta mucaaradka kaddib ayaa waxaa la filayaa in baarlamaanka Armenia uu kulan gaar ah ka yeelan doono mustaqbalka siyaasadeed ee Nikol Pashinyan.

Heshiiska uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigayaa in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay.

Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Arbacadii sheegay inuu heshiis la saxiixday Ruushka kaas oo uu qeyb kaga noqonayo “ciidammada wadajirka ah ee nabad ilaalinta” si ay heshiiska u dhowraan.

Nagorno-Karabakh waa gobol caalamka looga aqoonsan yahay inuu qeyb ka yahay waddanka Azerbaijan hasayeeshee waxaa tan iyo xabbad joojintii 1994-tii maamulayay dad ka soo jeeda Armenia.

Dagaalka socday lixdii todobaad ee la soo dhaafay ee ay Azerbaijan la galeen lama qabsan oo kaliya aagga ku xeeran gobolkaas ee sidoo kale waxaa la qabsaday magaalada muhiimka ah ee Shusha.

Maxaa ka dhacaya Yerevan?

Kumannaan dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay Fagaaraha Xorriyadda ee caasimadda Armenia ayaa waxa ay ku qaylinayeen “Nikol waa khaa’in” iyo “Nikol ha na daayo”, iyagoo gaashaanka u daruurayay aqbalaaddii uu Mr Pashinyan aqbalay heshiiska nabadeed ee Azerbaijan. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay iska-dhega-tireen xukunka degdega ee mamnuucaya in isu-soo-baxyo la qabto.

Armenian people attend a rally in the Freedom Square in Yerevan, Armenia, 11 November 2020.
Qoraalka sawirka,Kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen dibadbax lagu dalbanayay in ra’iisul wasaaraha uu iscasilo

Sida lagu sheegay wararka ka imanaya Armenia in ka badan 100 qof oo la xiray ayaa markii dambe la sii daayay.

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa markii dambe u jihaystay dhinaacaas iyo baarlamaanka iyagoo dalbanaya kulan degdeg ah si xilka loogaga qaado ra’iisul wasaaraha. Warar mar dambe soo baxayay ayaa sheegay in baarlamaanku uu kulan gaar ah yeelan doono arrintaas oo ay codsadeen laba xisbi oo mucaarad ah.

A demonstrator is taken away by law enforcement officers during an opposition rally to demand the resignation of Armenian Prime Minister Nikol Pashinyan
Tobannaan dibadbaxayaal ah ayaa la xiray intii uu dibadbaxa ka soconayay Fagaaraha Xorriyadda ee Yerevan

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay aheyd inuu dadka latashto ka hor inta uusan ogolaan heshiiska nabadeed, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, sida uu ku soo warramayo weriye BBCda uga soo warramaya magaalada Yerevan.

Mr Pahinyan ayaa waxa uu xilka la wareegay kaddib markii uu 2018-kii hogaamiyay kacaankii ugu horreeyay ee dalkaas ka dhashay kaddib dowladdii xigtay nidaamkii Soofiyeetka.

Map showing the terms of the peace deal
Short presentational transparent line

Qodobada heshiiska lagu soo afjarayo colaadda Karabakh ayey Armenia ku ogolaatay inay isaga baxdo qeyba ka mid ah gobolkaasi iyo sidoo kale goobo daris la ah oo ay Azerbaijan ka qabsatay 1990-meeyadii.

Isagoo goor sii horraysay ka hadlayay Facebook-ga, ayuu Mr Pashinyan waxa uu ku adkaystay in hadduusan ogolaan in colaadda la joojiyo, uu khasaare kan hadda ka wayn uu soo gaari lahaa – hadalkaas oo uu hore u taageeray hogaamiyaha Armeniyiinta Karabakh Arayik Harutyunyan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu qaatay go’aan “xanuun badan” kaddib markii uu “si qoto dheer uu u darsay xaaladda milateri” markaasna uu ogolaaday heshiiska, iyadoo uu sidaa ku wareejiyay saddex deegaan oo Karabakh daris lah – Aghdam, Lachin iyo Kalbajar.

Hasayeeshee Shusha kaddib (oo Armenia Shushi looga yaqaan) oo ku dhex taal Karabakh ayaa dabayaaqadii todobaadka waxa ay gacanta u gashay Azerbaijan, ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in jirtay halis ah in “geba ahaanba dhulkaas lala wareego” halkaas oo kumannaan askar Armeeniyiin ah lagu go’doomin lahaa sidoo kalana ay gacanta ka bixi laheyd magaalada ugu wayn gobolkaasi. “Waxaynu wajahnay xaalad ah in magaalada Stepanakert ay daafac la’aan noqoto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here