Maamulka Tigraay Oo Seddex Qodob Ka Soo Saaray Dagaalka Socda

0
282

Maamulka deegaanka Tigray oo maanta warmuriyeed ka soo saaray dagaalka ay kula jiraan dowladda dhexe ayaa sheegay Dr Abiy Axmed inuu ka been sheegayo natiijada dagaalka ka dhalatay.

Warmurtiyeedka deegaanka Tigray ka soo baxay oo aan ka soo xigannay ‘Wakaaladda Warbaahinta Deegaanka Tigraay’ oo uu ku saxeexan yahay Getachew Reda oo ah xubnin ka tirsan guddiga fulinta TPLF waxaa si qoto dheer looga hadlay dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

GETACHEW REDA, Xubin guddi fulin oo ka tirsan TPLF

Diyaarad dagaal oo la soo riday

Warmurtiyeedka waxaa lagu sheegay maanta abbaara saacaddu markay ahaya 11-ka barqanimo diyaarad miig ah oo dooneysay iney duqeyn ka geysato magaalada Maqale iyo nawaaxigeeda ay soo rideen ciidamada deegaanka Tigraay. Haatanna lagu jiro baadi goobka duuliyaha iyada oo warmurtiyeedka lagu sheegay iney u badan tahay inuu duuliyaha uu halkaasi ku dhintay. Waxayna sheegeen iney diyaaradda ku dhufteen gantaalka lidka diyaaradaha.

Maamulku wuxuu sheegay diyaaradaha hawada deegaanka soo galaya iney si aad ah ula socdan balse mararka qaar ay dhici karto iney kaa soo hoos baxaan.

Diyaaradaha shalay iyo maanta damacsanaa iney duqeymo ka fuliyaan baltilmaameedyo gaar ah ujeedkooda waxaa warmurtiyeedka lagu sheegay in lagu doonayey in lagu duqeeyo magaalooyinka deegaankaasi iyo haamaha keydka shidaalka ee ku yaalla si loo wiiqo awoodda shacabka deegaanka Tigraay.

Warmurtiyeedku wuxuu intaasi ku daray duqeymaha ay deegaanka Tigraay ka sameynayaan diyaaradaha xukumdda Abiy iney socdaan iyada oo ay weli korontada iyo adeegga taleefannadaba deegaanka Tigraay ka maqan yihiin.

“Diyaaraddan ay sheegeen iney soo rdieen iyaga unbaan ka maqalnay dhinaca isgaarsiinta maadaamaa ay dhibaato ka jirto arrintaasi in la xaqiijiyo ayey u baahan tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya Adan Faarax oo BBC u warramay.

Khariidad muujinaysa halka gobolka Tigray kaga yaal Itoobiya
 

Dr Abiy dagaalka socda beenbuu ka sheegay

Warmurtiyeedka maanta ka soo baxay deegaanka Tigraay waxaa lagu sheegay hadallada isdaba joogga ah ee ka soo baxaya xukumadda Abiy Axmed ee sheegaya iney burburiyeen keydka hubka, keydka shidaalka iyo saldhigyo ay ciidamada Tigraay ku sugnaayeen ay waxba jirin, waa sida war murtiyeedka lagu sheegaye.

Ereyadaasina waxay ku sheegeen iney tahay khidda dagaal uu Abiy niyadda uga dhisayo ciidamada faraha badan uu dalka oo dhan ka soo dabulayo uuna ku soo wado jiidda hore ee dagaalka.

Waxayna sheegeen iney jiraan dagaal ka socda Dansha iyo Bakhar balse ay jjirin maglooyin la qabsaday iyo gantallo a burburiyeen ciidamada Abiy intaba.

Ciidamada Federaalka qaybta Waqooyi uu saldhiggoodu ahaa deeganka Tigraay iyaga iyo hubkoodaba waxay la safan yihiin shacabka Tigraay, warmurtiyeedkuna waxay wax kama jiraan ku tilmaantay hadalka uu sheegay Dr Abiy ee ah ciidamada qaybtaasi iney dowladda dhexe la safan yihiin gudaha deegaana Tigaary-na ay dagaal ka wadaan.

Waxayna shegeen iney diyaar u yihiin dagaalkan gardarrada ah ee lagu doonayo in lagu baab’iyo shacabka Tigreega iney iska caabbinayaan, sida ay horay uga soo guuleysteen dowladdi Mangistu Haile Maryaam, si geesinima lehna ay cadowgooda ula dagaallamayaan.

Goobaha uu dagaalka ka socda

Maamulka deegaanka Tigraay ayaa sheegay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Tigraay inuu maalinti lixaad socdo.

Warmurtiyeedka deegaanka Tigraay ka soo baxay waxaa lagu sheegay dagaalka inuu ka socda Galbeedka iyo Koonfurta deegaankaasi.

Waxayna sheegeen ciidamada dowladda dhexe oo seddexdi maalmood ee la soo dhaafay weerarro isdaba joog ah deegaanka Tigraay ku soo qaaday in cashar loo dhigay, xadka deegaanka iney tallaabba gudaha u soo galaanna laga hor istaagay.

Farriin loo diray shacabka Tigraay

Warmurtiyeedka oo farriin looga diray shacabka Tigraay waxaa lagu sheegay, “Cadowga aan naxariista laheen ee ay cadowgeenna nagu soo qaadeen sidi caadada u ahayd si geesinimo leh iney uga hortagaan, maadamaa ay ka soo horjeedaan xuquuqda ismaamul ee ay leeyiiin shacabka deegaanka Tigraay.

Waxaanna aaminsannhay haddii ay shacabka iyo maamulka deegaanka gacmaha isqabsadaan shaki la’aan inaan cadowgeenna ka guuleysaneyno, waa sida lagu sheegay warmurtiyeedka ka soo baxay maamulka deegaanka Tigraay oo dagaalka kula jiro dowladda dhexe ee dalka Itoobiya.

Maamulka deegankuna waxay shacabka deegaankaasi ugu baaqeen iney u diyaar garoobaan si buuxdana uga wada qayb qaataan dagaalka qaawan ee ay deegaankooda ku soo qaadday dowladda dhexe ee Federaalka uu hogaanka u hayo Dr Abiy Axmed.

Abiy Ahmed

Falcelinta dowladda Dhexe ee Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay ‘Howlgalka dhanka sharciga ah’ in dhawaan uu soo afjari doono dambiilayaasha dhibaatoooyinka geystay si sharciga loo horkeeno.

“Howlgalka dhanka sharciga ah waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasiloonida si dhammaan dambiilayaasha qaswadyaasha ah loo horgeeyo caddaallada” ayuu ku yiri qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay ugu baaqeen Midowga Afrika in xaaladda ay faraha lasoo galaab si wada xaajood looga sameeyo colaadda.

Abiy wuxuu sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay lagu guuldareystay in la yeesho wadahadallo.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro “isla xisaabtan la’aanta ka jirta gobalkaas”.

Abiy Ahmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay lama huraan tahay in hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaa maxkamad la soo taago oo lagula xisaabtamo “xasilooni darrada ay halkaa ka abuureen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here