Inkasta oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunku ay hambalyo u direen madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, haddana mid ayaa muujiyey taxaddar badan.
Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador, oo loo yaqaan Amlo, ayaa sheegay inay goor hore tahay in la hambalyeeyo – isla markaana uu doonayo inuu sugo “dhammaan arrimaha sharciga” si loo xalliyo, isagoo tixraacaya dacwadaha ay soo gudbiyeen kooxda Trump, oo ku andacoonaya in khaladaad ka dhacay tirinta codadka. Trump ma uusan soo bandhigin cadeyn sheegashooyinkaas.
“Ma dooneyno inaan noqono kuwa aan qaangaadhin,” Amlo ayaa u sheegay suxufiyiinta
“Ma dooneyno inaan si fudud u dhaqano oo waxaan dooneynaa inaan ixtiraamno aayo-ka-tashiga dadka iyo xuquuqdoodaa.”
Hogaamiyeyaasha adduunka ayaa kuwo badan durba u hambalyeeyeen Mr Biden, iyaga oo u usoo mariyey warbaahinta bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, wuxuu yiri: “Waxaan rajeynayaan” in aan la shaqeeyo Biden iyo ku xigeenkiisa ee la doortay Kamala Harris, maadaama uu muujiyay xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya.
Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa isna ka mid ahaa madaxda caalamka ee u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris.
Wuxuu sheegay inuu rajeynaya inuu wadashaqeyn la yeesho maamulka cusub ee Biden.
Johnson iyo xoghayihiisa arrimaha dibedda Dominic Raab ayaa cambaareyn la kulmay isbuucan ka dib markii ay iska diideen inay dhalleeceyaan sheegashada aan hubaasha lahayn ee Trump ee ahayd in doorashada lagu shubtay.
Ra’iisul Wasaaraha Slovenian, Janez Janša, kaas oo maalin ka hor u hambalyeeyay Donald Trump oo sheeganayay in uu doorashada ku guuleystay iyo in lagaga shubtay,- ayaa weli aamusan, wax war ahna lagama hayo weli.
Raiisel wasaaraha Japan, Yoshihidhe Suga, wuxuu sheegay inuu doonayo in uu xoojiyo isbahaysiga dalkiisu la leeyahay Maraykanka. Madaxweynaha Nigeria, Muhammudu Buhari, ayaa isna ku baaqay in si weyn ay ula macaamili doonto Afrika madaxweynaha la doortay.