Donald Trump ayaa muddo isbuucyo ah sheegayay in haddii codadka doorashada ay isku dhawaadaan uu xisbiga kasoo hor jeeda ee Dimuqraaddiga ku eedeyn doono inay sameeyeen wax isdaba marin ayna isku dayayaan inay guusha ka xadaan isaga.
Saacadihii hore ee Arbacada maanta, isla sidaas ayuu sameeyay: xilli aan wali la tirinin malaayiin ka mid ah codadkii doorashada laga dhiibtay, wuxuuna goor horeba ku dhawaaqay inuu guuleystay.
“Waxaan u diyaar garoobeynay inaan ku guuleysanno doorashadan. Run ahaantii, waan ku guuleysannay doorashada,” ayuu yiri Trump.
Isagoo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, ayuu sheegay in “musuqmaasuq” lagu sameeyay doorashada.
“Waxani waa musuqmaasuq baahsan oo lagu sameeyay qarankeenna. Waxaan dooneynaa in sharciga wax lagu saxo. Sidaas darteed, waxaan aadeynaa maxkamadda ugu sarreysa. Waxaan rabnaa in la joojiyo dhammaan codeynta.”
‘Wax laga cadhoodo, aan horay loo arag, khaladna ah’
Siyaasiyiinta Dimuqraaddiga iyo xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ayaa si deg deg ah uga fal celiyay hadalka kasoo yeeray Trump.
Ninka ay loollanka iskula jiraan Trump ee ka socda xisbiga Dimuqraaddiga, Joe Biden, ayaa sheegay in doorashada aysan dhammaanin “ilaa qof walba codkiisa la xisaabo”.
“Waxaan ku taagan nahay waddada guusha,” ayuu ku adkeystay.
Maamulaha ololaha doorashada madaxweynaha ee Biden, oo lagu magacaabo Jen O’Malley Dillon, ayaa sheegtay in hadalka madaxweynaha uu yahay “wax laga cadhoodo, aan horay loo arag, islamarkaana khalad ah”.
“Waa wax laga xanaaqo sababtoo ah waa isku day qaawan oo muwaadiniinta Mareykanka ah looga qaadayo xorriyaddooda dhinaca dimuqraadiyadda,” ayey tidhi.
“Waa wax aan horay loo soo arkin sababtoo ah taariikhdeenna horay ugama dhicin in madaxweyne Mareykan ah uu si cad dadka Mareykanka ah ugu diido codkooda ku aaddan doorashada qaranka.”
Alexandria Ocasio-Cortez, oo kasoo jeedda xisbiga Dimuqraaddiga, dibna loogu soo doortay kursigeeda Aqalka Wakiillada, ayaa canbaareysay sheegashada Trump, iyadoo ku tilmaantay khatar iyo sharci darro.
“Tiri codadka, natiijadana xishmee,” ayey kusoo qortay barteeda Twitter-ka.
Xitaa siyaasiyiinta Jamhuuriga, ee garabka Trump, sida senator-kii hore ee gobolka Pennsylvania, Rick Santorum, ayaa walaac muujiyay.
Santorum wuxuu sheegay inuu “aad uga walwalay” hadallada Trump. “Isticmaalka erayga musuqmaasuq… waxay ila tahay inuu khalad yahay,” ayuu ku yidhi telefishinka CNN.
Hadalkii Trump kaddib, madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence, ayaa isku dayay inuu hadalladiisa daboolo, isagoo diiday inuu guul ku dhawaaqo, wuxuuna ku adkeystay in dhammaan codadka la tirin doono.
‘Dhaawac ku filan wuu geystay hadalka’
Laakiin hadalka Trump dhaawac ku filan ayuu geystay, sida uu sheegay wariyaha BBC-da ee waqooyiga Ameerika, Anthony Zurcher.
“Haddii Trump uu ugu dambeyn guuleysto ama guul darreysto, waxaa sugaya inuu su’aalo badan ka jawaabo, maadaama uu su’aal galiyay dimuqraadiyadda Mareykanka,” ayuu yidhi Zurcher.
Cudurka safmarka ah ee corona ayaa sababay in si aan horay u dhici jirin ay dad badan oo Mareykan ah codadkooda doorashada uga dhiibtaan dhinaca boostada, taasoo kordhineysa waqtiga tirinta.
Gobollada qaarkood, maalmo ayey qaadan kartaa tirinta codadka.
Anthony Zurcher wuxuu sheegay in dooarshada Mareykanka ay gashay “xaalad u eg maalinta qiyaamaha, oo ah arrin ay dad badan oo reer Mareykan ah ka cabsi qabeen, mar haddiiba madaxweynaha Mareykanka, oo ku sugan Aqalka Cad gudihiisa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay codeynta doorashada.”
Trump wuxuu marar badan diiday inuu guul darro qiran doono haddii laga adkaado.
Arrintan waxay isbuucyadii lasoo dhaafay abuurtay dood ku saabsan in ciidamada milatariga, sirdoonka ama booliska loo adeegsan doono si madaxweynaha xoog looga saaro Aqalka Cad ee uu xeyndaabka ku wareegsan yahay.
Tartan muddo dheer qaadan kara
Tartanka loogu jiro hoggaanka qaranka Mareykanka wuxuu isugu soo haray dhowr gobol oo kala ah: Arizona, Wisconsin, Michigan, Pennsylvania iyo Georgia.
Haddii dacwad lala tiigsado natiijada doorashada waxaa khasab ah inay marka hore kasoo billaabato maxkamadaha hoose ilaa marka dambe la gaaro heer ay tagto ilaa maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka.
Taasi micnaheeda waa in natiijada kama dambeysta ah ee doorashada 2020-ka ay qaadan karto maalmo.
Inta xilligaas laga gaarayo waxaa laga cabsi qabaa inay dhacdo xaalad aan la hubin oo ah mudaharaadyo iyo isku dhacyo.
Xitaa maalintii codbixinta doorashada xaalad noocaas ah ayaa loo dhawaaday kaddib markii meelaha qaar ay mudaharaadyo ka dhaceen, oo xitaa ay ka mid tahay Aqalka Cad hortiisa.