Maxey Tahay Hadal Heynta Uu Cabdiraxman Cabdishakuur Abuuray Ee La Xidhiidha Ololaha Doorasho?

0
303

Doorashooyinka guud ee dalka Soomaaliya ayaa bilaaban doona bishan iyadoo taxnaan doonta sida jadwalka yahay ilaa bisha February ee sanadka soo aadan, waxaana jirta hadal heyn badan oo dhan walba ah.

Siyaasiyiinta xildoonka ah ee Soomaaliya waxey wadaan olole uu mid walba ku doonayo inuu kursiga looga arrimiyo dalka ku fariisto afarta sano ee soo socota, waxaana inta badan ay ololayaashu ka socdaan dalka bannaankiisa.

Haddaba maxey tahay hadal heynta uu Muqdisho ka dhex abuuray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka mid yahay tiro musharaxiin la ogyahay iney mar kale isu soo taagi doonaan doorashada, wuxuuna muddadii ay dowladdaan jirtay caan ku noqday mucaaradnimo fagaare ka hadal u badan, balse markaan wuxuu sameeyay hadal heyn.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir wuxuu noqday musharaxii ugu horreeyay ee boorarkiisa ololaha ku dhajiya wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada maadaama uu xilli hore muujinayo doorkiisa.

Waxaa la xasuustaa in hogaamiyaha uu sanadkii 2017 aad u tartamay, balse ma gaarin wareegyada ugu dambeeya walow uu markaan filanayo inuu kaalintii hore mid ka xoogan soo bandhigo.

Bishaan November waxaa bilaabanaya doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka labada aqal ee (Aqalka sare) iyo Golaha Shacabka, waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeya musharaxiinta taasoo salka ku heysa cidda kusoo baxeysa xildhibaanka, balse wax walba waxey kala cadaan doonaan mudooyinka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here