Sababta Loo Mamnuucay Barnaamijkii Sirta Ee Haweenka Pakistan

0
259

Muuqaallo taxane ah oo hor leh oo lagu magacaabo Churails ayaa caro ka dhaliyay gudaha Pakistan kaddib markii ay ka soo dhex muuqdeen haween sheegayo inay wadaan barnaamij qarsoodi ah oo wax lagu baarayo dumarka kale.

Muuqaallada oo ka koobnaa ilaa 10, waxaa ka muuqday koox haween ah oo ka soo kala jeedo qabaa’iilo kala duwan oo bilaabay barnaamij sir ah oo lagu magacaabo Churails- oo ah luqadda Urdu-ga, micneheeduna yahay “Sixir”.

Barnaamijkan ayaa muran badan ka dhex dhaliyay gudaha Pakistan kaddib markii dowladda ay mamnuucday, ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay qeyb ka mid ah muuqaallada.

Waaxda maamusha warbaahinta Pakistan waxay ka codsatay in barnaamijka oo uu sameeyay telefishinka Zee-5 in meesha laga saaro si aysan u daawan shacabka Pakistan, markii danbe waxaa la joojiyay lana tiray muuqaalka.

Agaasimaha barnaamijka Caasim Cabbaasi ayaa walaac ka muujiyay tallaabada dowladda oo uu sheegay inay dhibaato weyn ku tahay xoriyadda dhanka suugaanta ee dalkaas.

Waxaa lagu soo warramayaa in inta badan shacabka Pakistan ay horey u daawadeen muuqaallada iyadoo aysan fasaxa ka heysan ciddii laheyd.

Waxyaabaha qarsoon

Barnaamijka oo ay ka soo dhex muuqdeen afar haween oo kala jilayay, haweeney guriga ka shaqeyneysay oo qareen isu baddashay, haweeney qabanqaabiso xafladaha, gabadh yar oo feeryahan ah iyo mid dhawaan xabsiga falal dil ah ka geysatay; waxaana filimka ku soo biiray haween kale, waxay bilaabeen inay aasaasaan goob lagu gado dharka casriga ah si ay qiil ugu helaan howlahooda ku aadan baaritaannada loo fulinayo sida qarsoodiga ah.

Hadafkoodu howlaha baaritaanka wuxuu ahaa in haweenka kale ay ka caawiyaan sidii ay macluumaad uga heli lahaayeen raggooda ay uga shakiyaan in ay khiyaanayaan.

Filimada waxay ku bilowdeen ka hadalka guurka da’yarta, tacaddiyada, guurka khasabka ah, cunsurinimada, caddaalada iyo falalka xadgudubka jinsiga ah.

Waxaa muuqaallada sidoo kale ku jiray kuwo ka hadlayo “Ragga tacaddiyada u geysta xaasaskooda”, waxaana loo jeedinayay raggaas hanjabaad.

‘Isbaddal’ ku socda haweenka Pakistaan

Barnaamijka wuxuu taageero ka helay gudaha Pakistaan iyo Hindiya, dadka qaar waxay ku tilmaameen mid isbaddal u horseedi lahaa haweenka Pakistan.

Khuburrada waxay bogaadiyeen barnaamijka oo ay ku tilmaameen mid meesha ka saarayo dhaqamada ka dhanka ah haweenka ayna tahay sheeko xoojineyso danaha dumarka.

Carada ka dhex dhalatay baraha bulshada

Muuqallada taxanaha ah waxaa ka dhashay caro xooggan gudaha Pakistan, waxaana lagu sheegay in ay ka soo muuqdeen haween cabaya khamriga oo shaki la geliyay dharkii ay xirnaayeen iyo inay adeegsanayeen luqad aan wanaagsaneyn.

Qeyb ka mid ah muuqaallada oo bishii Agoosto la baahiyay ayaa si weyn ugu dhex faafay baraha bulshada.

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala ayaa ku tilmaamay muuqaallada kuwo anshax xumo ah oo ka soo horjeedo dhaqanka.

Dalka Pakistan oo Muslimiinta ay ku badan yihiin ayaa qaaday tallaabooyin adag oo looga hortaggayo muuqallada ama waxyaabaha lagu tilmaamo anshax xumada, dhowaan ayay aheyd markii xayeysiin lagu soo bandhigayay Buskut la sheegay in ay aheyd mid anshax xumo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here