Somaliland Oo Ku Baaqday Weynayta Xuska Dhalashadda Nebi Muxamed NNKH Isla markaana Canbaaraysay Ficilada Faransiiska

0
288

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqday in kor lo qaado oo la weyneeyo Xuska dhalashada Nebigeenna suubban ee Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana waxay Cambaaraysay aflagaaddaynta Nebiga ee Madaxweynaha Faransiisku taageeray.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu baaqay inay weyneeyaan Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ku beegan 12-ka bisha Rabiicul-awal oo Khamiista caawa ku beegan.

Wasiir Khaliil waxa uu cambaareeyey aflagaaddaynta Nebi Muxamed (NNKH), waxaanu soo dhaweeyey Muddaharaadka ay Boqollaal Dadweynaha reer Burco Salaasadii shalay ku muujiyeen siday uga xun yihiin aflagaaddaynta Nebi Muxamed NNKH ee Faransiiska ka soo yeedhaysa, isla markaana Madaxweynaha dalkaasi sida qaawan u taageeray, taasoo dhalisay Sida uu Wasiirku sheegay inay dalal badan oo Islaam ahi ka cadhoodaan, isla markaana muddaharaadyo iyo go’aanno ay kaga soo horjeedaan ku dhaqaaqeen maalmihii ugu dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here