Weerarkii Faransiiska: Waalid Dhalay Arday “Oo Farriimo U Diray Ninkii Bireeyay Macallinka Faransiiska”

0
354

Waalid dhalay arday ka mid ah ardayda wax ka barata iskuulkii uu Samuel Paty ka shaqeynayay ayaa la xiriiray ninkii macallinkaasi dilay, sida wararka ay sheegayaan.

Aabaha dhalay arday lagu eedeeyay inuu online-ka ka bilaabay olole ka dhan ah Samuel Paty, macallinkii Faransiiska ee madaxa laga jaray, ayaa farriimo u diray ninka macallinkaas dilay ka hor inta uusan weerrarka dhicin, warbaahinta Faransiiska ayaa ku warramaysa.

Mr Paty, oo la dilay maalintii Jimcaha, ayaa goor sii horraysay ardaydiisa tusiyay kartuunno muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Aabaha oo 48 sano jir ah ee aanan weli sida rasmiga ah magaciisa loo shaacin, waxaa lagu eedeeyay inuu soo saaray “fatwa” ka dhan ah macallinka.

Dilkii loo gaystay Mr Paty, oo 47 sano jir ahaa, waxaa aad uga walaacay Faransiiska waxaana ka hadlay madaxweynaha dalkaas.

Kumannaan qof ayaa, dabayaaqadii todobaadkii la soo dhaafay, ka qeybqaateen isu soo baxyo lagu xusayay Paty oo ka dhacay guud ahaan Faransiiska, sidoo kalana lagu difaacayay xorriyadda hadalka. Isu soo bax lagu qadarinayo Mr Paty ayey dad aamusan waxa ay fiidkii Talaadadii ku qabteen meshii ninkaasi lagu dilay.

 

Nin 18 sano jir ahaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdulmaalik ayay toogasho ku dileen booliska kaddib markii uu Jimcihii dilay macalimka Faransiiska u dhashay.

Aabaha dhalay ardayga la sheegay in ay farriimo isdhaafsadeen ninka Paty dilay, ka hor inta uusan weerrarka dhicin, ayaa la sheegay inuu deganaa meel u dhaw iskuulka uu macallinka dhigayay ee ku yaal Conflans-Sainte-Honorine.

Waxaa dacwad lagu soo oogay isaga iyo nin sheekh ah oo ay warbaahinta Faransiiska ku tilmaameen Islaami xagjir ah, oo ku baaqay in Paty la ciqaabo, xilli uu soo saaray “fatwada”.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gérald Darmanin, ayaa sheegay in labada nin ee la xiray lagu sameynayo baaritaan la xiriira “khaarijiin ku xiran mashruuc argagixiso”.

 

Booliska waxa ay Isniintii qaadeen howlgallo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan shabakadaha Islaamiyiinta, iyadoo 40 guri la baaray.

Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in hay’adda Sheekh Yaasiin Collective – oo ah koox Islaami ah oo loogu magac daray ninkii sameeyay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas – shatiga shaqo lagala laaban doono maadaama “ay toos ugu lug laheyd” dilka.

Wuxuu sheegay in xayiraaddan ay tahay mid lagu caawinayo bulshada Muslimiinta Faransiiska, iyo Yurub-ba, si aanay galaangal ugu yeelan xagjirnimo.

Hogaamiyaha kooxdaas ayaa ka mid ah 16 qof oo boolisku uu qabtay kaddib dilkii Jimcihii.

Lix qof oo ka mid ah dadkii la xiray ayaa haatan la sii daayay, kaddib markii su’aalo la waydiiyay, dadkaas oo uu ka mid ahaa ninka wax dilay awoowihiis, waalidiintiisa iyo walaalkii oo 17 sano jir ah. Afar arday oo iskuullay ah ayaa la rumaysan yahay in weli la hayo.

Mr Darmanin ayaa goor hore sheegay in 51 hay’adood oo ay leeyihiin Muslimiinta Faransiiska, oo ay ku jiraan hay’ado samafal iyo kuwo maxalli ah, ay baari doonaan saraakiisha dowladda ayna xiri doonaan haddii lagu helo inay dhiirigelinayaan nacayb.

Wuxuu sheegay in booliska ay sidoo kale wareysan doonaan 80 qof oo la rumaysan yahay in farriimo ay ku taageerayaan dilka soo dhigeen baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

Sidoo kale Talaadadii, dowladda Faransiiska waxa ay amartay in la xiro masjid sii faafiyay muuqaal Facebook-ga la soo dhigay oo ku baaqayay in tallaabo laga qaado Paty iyo sidoo kale inuu dadka la wadaagay barta uu ku yaal iskuulka uu macallinkaas dhigayay maalmo ka hor dhimashadiisa.

Masjidka Pantin, oo ay ku tukadaan ku dhawaad 1,500 oo qof waxa uu ku yaal waqooyiga magaalada Paris. Laga bilaabo Arbacada waxaa la xiri doonaa muddo lix bilood ah. Mas’uuliyiinta masjidka ayaa muujiyay “sida ay uga xunyihiin” muuqaallada, oo ay tirtireenba, waxa ayna cambaareeyeen dilka macallinka.

Maxaa Samuel Paty loo bartilmaameedsaday?

Isniintii, dacwad oogaha waaxda argagixisa la dagaalanka, Jean-François Ricard, ayaa sheegay in Mr Paty lagu qaaday hanjabaado tan iyo markii uu kartuunnada lagu tilmamay Nebi Muxamed N.N.K.H uu tusiyay ardayda intii uu socday cashar dhinaca xoriyadda hadalka ah, waa horraantii bishan Oktoobar.

Macallimka dhigi jiray Taariikhda iyo Juquraafiga, wuxuu ardayda Muslimiinta ah kula taliyay inay qolka isaga baxaan haddii ay u malaynayaan in dambi laga galayo.

Mr Ricard ayaa sheegay in ninka macallinka dilay uu iskuulka tegay galabkii Jimcaha uuna ardayda waydiiyay inay u tilmaamaan macallinka. Kaddib waxa uu dabagalay Paty oo gurigiisa u lugaynayay, mindi ayuuna ku weerraray.

Undated photo of Samuel Paty

Fiidkii shalay Talaadada, munaasabad aamusnaan ah oo lagu qabtay Conflans-Sainte-Honorine waxaa ka qeybgalay kumannaan qof. Gelinkii hore ee maalintaasna, baarlamaanka Faransiiska ayaa hal daqiiqo u aamusay ninkaasi.Mr Macron waxa uu Maanta oo Arbaca ah ka qeybgeli doonaa xaflad ay qabsanayaan qoyska Mr Paty.

Macallinka waxaa la siin doonaa abaalmarinta ugu sarraysa Faransiiska ee Legion d’Honneur.

Sawirrada gacanta lagu sameeyo ee lagu sheegay Nebi Muxamed N.N.K.H, waxa ay noqonayaan dambi wayn oo laga galay Muslimiinta, sababtoo ah dhaqanka Islaamka waxa uu manuucayaa sawirrada Nabi Muxamed iyo Allaah.Arrintan ayaa ah mid aad xasaasi ugu ah Faransiiska waxaana sabab u ah go’aankii jariidadda Charlie Hebdo ay ku gaartay inay ku daabacdo kartuunno laga sameeyay Nebi Muxamed N.N.K.H.

Maxkamadayn ayaa hadda ku socota dilkii 12 qof ee Islaamiyiinta xagjirka ah ka gaysteen xafiisyada jariidadda, sannadkii 2015-kii, kaddib daabacaaddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here