Golaha wasiirada ee maanta la magacaabay waxaa ka muuqdo kuwa badan oo cusub, sidoo kale waxaa meesha ka baxay wasiirro aad caan u ahaa oo ka mid ahaa kuwii ugu firfircoonaa xukuumaddaa Xasan Cali Khayre.
Haddaba waxaa eegeynaa wasiirrada qaar ee ka cusub xilka iyo kuwa laga tagay:
Wasiirka cadaaladda – Cabdiqaadir Maxamed Nuur
Wasiirka cusub ee cadaalada loo magacaabay, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin si aad ah ugu dhaw gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal.
Cabdiqaadir waxaa uu horey uga soo shaqeeyay Aqalka Baarlamaanka isaga oo la taliye u ahaa gudoomiyaha gobolaha shacabka Maxamed Mursal.
Waxaa uu sidoo kale mar noqday ku simaha taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.
Wuxuu horey uga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibadda, wuxuuna mar ahaa la taliyaha kowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.
Wasiirka arrimaha gudaha – Janaraal Mukhtaar xuseen Afrax
Janaraal Mukhtaar Xuseen afrax oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta, wuxuu ka mid yahay dadka ku cusub golaha wasiirada.
Janaraalka waxaa uu muddo dheer ka soo shaqeynayay ciidamada, si gaar ah booliiska. Wuxuu mar ahaa taliya ku xigeenkii booliiska Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale mar noqday ku simaha taliyaha booliiska Soomaaliya, sannaddii 2018.
Wasiirka amniga qaranka – Xasan Xundubeey Jimcaale
Xasan Xundubeey Jimcaale oo dad badan ay dhanka warbaahinta ku xusuustaan, waxaa uu ka soo muuqday liiska golaha wasiirada cusub.
Xasan waxaa loo magacaabay wasiirka amniga qaranka. Waa mid ka mid ah wasaaradaha qabta shaqada ugu adag ee dowladda.
Xasan Xundubeey waxaa uu horey uga soo shaqeeyay BBC laamaha Afka Soomaaliga iyo Carabiga iyo sidoo kale AlJazeera.
Wasiirka haweenka – Xanifa Maxamed Ibraahim
Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa loo magacaabay Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka waxaana dhalay siyaasigii lagu magacaabi jiray Maxamed ibraahim Xaabsade.
Waxay ka mid tahay xildhibaannada aadka u firfircoon ee inta badan ka qeyb qaata doodaha baarlamaanka.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada – Duraan Axmed Faarax
Wajiyada ku cusub ee golaha wasiirada waxaa sidoo kale ka mid ah Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.
Duraan waxay dad badan aad ugu xusuustaan dhanka ciyaaraha iyo guud ahaan ururada ciyaaraha.
Waxaa uu ka mid ahaa guddiga olimbikada Soomaaliyeed oo xilal kala duwan ka soo qabtay.
Waxaa uu mar noqday xoghayaha guud ee guddiga olimbikada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale mar ahaa guddoomiya ku xigeenka guddiga.
Waxaa uu Duraan jaamacadda lyons ka bartay cilmiga maareynta ciyaaraha.
Wasiirka warfaafinta – Prof Cusmaan Abuukar Dubbe
Wasaaradda warfaafinta waxaa loo magacaabay Prof. Cusman Abukar Dubbe . Waa siyaasi muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaalida gaar ahaan Soomaaliland.
Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii asaasay xisbiga haya talada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland ee Kulmiye.
Dhawaan ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho uga dhawaaqay xisbi lagu magacaabo “Hillow”.
Wasiirka waxbarshada – Cabdullahi Abuukar Xaaji
Waa siyaasi muddo dheer siyaasadda ku soo jiray wuxuuna hadda ka mid yahay xubnaha Aqalka Golaha Shacabka.
Waxaa Xildhibaan Cabdulahi Abuukar Xaaji loo magacaabay wasiirka waxbarshada oo uu horey u hayay Cabdulahi Goodax Barre.
Xubnaha kale ee cusub waxaa ka mid ah, Cabdi Sheekh Axmed Rooble, oo loo magacaaba wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, iyo Cumar Cali Rooble, oo loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta.
Golaha Wasiirada cusub waxaa ka mid ah ku xigeenno iyo wasiirru-dowla-yaal ku cusub saaxada siyaasadda iyo maamulka sare ee dalka.
Qaarkood waxay ka soo shaqeeyeen, safaarado, xarumo wasaaradeed, iyo goobo kale.
Wasiiradii meesha ka baxay ee xilalkooda waayay
Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa xilalkii ay hayeen waayay 6 wasiir.
Cabdulahi Goodax bare
Waxaa ka mid ah wasiirada xilalkooda waayay wasiirkii waxbarshada, Cabdulahi Goodax bare.
Goodax waxaa lagu xusuustaa arrimo badan oo dhanka waxbarshada gaar ahaan murankii ka dhashay Imtaxaankii Qaran ee dhawaan la qaaday.
Waxaa sidoo kale intii uu xilka hayay uu muran xooggan dhexmaray wasaaradiisa iyo maamulka Puntland taasi oo la xiriirtay imtaxaanada shahaadiga.
Waa rug-caddaa muddo dheer siyaasadda Soomaaliya ku soo jiray. In golaha wasiirada uu ka maqnaado ayaa dad badan lama filaan ku noqotay.
Maxamed Xayir Maareeye
Waxaa sidoo kale wasiirada xilalkooda waayay ka mid ah wasiirkii warfaafinta, Maxamed Xayir Maareeye.
Waxaa uu muddo dheer ku soo jiray siyaasadda, wuxuuna xilal ka soo qabtay dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.
Shirkii Mbagathi ee Kenya ka dib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirkii warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.
Sannadkii 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid
Sannadkii 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha.
Doorashadii 2016: Wasiir Maareeye wuxuu ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.
Cabdi Maxamed Sabriye
Wasiirada kale ee xilalkoda waayay waxaa ka mid ah wasiirkii Arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdi Maxamed Sabriye.
Waxaa xilkaasi loo magacaabay bishii January ee sannadkii 2018.
Waxaa uu horey uga soo shaqeeyay Mr Sebriye arrimaha guriyaynta iyo bey’ada isaga oo takhasuskiisu yahay injineer.
January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.
Marwa Deeqo Yaasiin
Waxaa sidoo kale xilkeeda waysay wasiirkii haweenka iyo hormarinta xuquuqul insaanka, Marwa Deeqo Yaasiin.
Waxay horey uga soo shaqeysay dhowr hay’adood oo ah kuwa u dooda xuquuqul insaanka, waxaana xilka wasiirka haweenka loo magacaabay sannadkii 2019.
Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah sharcigii muranka dhaliyay ee jinsiyada kaasi oo weli horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Abuukar islow
Xildhibaan Maxamed Abuukar islow oo ahaa wasiirkii amniga qaranka ayaa sidoo kale xilkiisa waayay.
Waxaa uu siyaasadda ku soo biiray sannadkii 2011 oo uu xildhibaan noqday.
Islow, wuxuu xilka hayay tan iyo sannadkii 2bartamihii 2017-kii, wuxuuna ka mid ahaa wasiiradii aadka ugu dhowaa Ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Khayre.
Xasan Maxamed Amar dambe
Waxaa sidoo kale een ka mid ahayn golaha wasiirada ee soo noqday, Xasan Maxamed Amar dambe oo ahaa wasiirkii Gaashaandhigga.
Wasiirada kale xilalkooda waayay waxaa ka mid ah Cabdi Canshuur Xasan oo ahaa wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta.
Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa isna xilkiisa waayay.