Madaxweyne Trump Oo Suudaan Ka Saaraya Liiska Dawladaha Taageera Argagixisada

0
265

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Suudaan uu ka saari doono liiska dowladaha taageera argagixisada haddii ay bixiso magdhow dhan 335 milyan oo doolar.

Raiisel wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook oo ka jawaabaya ayaa yiri dhaqaalihii waa la wareejiyay laakiin ma jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in Mareykanku si deg deg ah u helay.

Suudaan waxay ku jirtay liiska tan iyo 1993 markii hogaamiyaha al-Qaacida Cusama Bin Laden uu halkaas ku noolaa isagoo marti u ahaa dowlada.

Magdhowgu wuxuu la xiriira qaraxii al-Qaacida ee safaaradaha Mareykanka ee Afrika sanadkii 1998.

Weerarradii ka dhacay Tansaaniya iyo Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 220 qof, lacagta magdhawga ahna waa in la siiyaa “dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska”, ayuu yiri Mr Trump.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Suudaan ayaa soo fiicnaanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay dalkaas sanadkii hore. Mr Bashiir wuxuu xukumayay wadanka Suudaan ee ay colaaduhu ragaadiyeen muddo 30 sano.

Ka saarista Suudaan liiska madow waxay noqon doontaa war aad looga soo dhoweeyo dalka, halkaas oo cuntada, shidaalka iyo daawadu ay qaali yihiin oo ay gabaabsi yihiin.

Mexey yihiin wax saxd ah ee Trump yiri ?

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Donald Trump sidaan ku yiri: “War wanaagsan! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay iney 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska.

“Marka la ii shubo, waxaan ka saari doonaa Suudaan liiska dowladaha taageera Argagixisada. Ugu dambeyntiina, waa caddaaladda dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaado Suudaan!”

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu awood u leeyahay inuu Suudaan ka saaro liiska wadamada taageera argagaxisada ,aqalka wakiiladuna waxaa uu haystaa 45 cishe uu wax kaga yiraa talaabadaan.

Suudaan ayaa hadda ka mid ah afar dal oo ay ka mid tahay Iiraan ,waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya oo ku jiira liiska madow.

Sidee arrintaan Suudaan uga falcelisay?

Wax yar ka dib Markii Trump qoraal ku soo bandhigay Tweeterkiisa ayaa Mr Hamdook wuxuu ku dhawaaqay in lacagta horay loo wareejiyay, taas oo ku sheegay war laga sii daayay Telefishinka dowladda

Waxaa uu sheegay in tallaabadani ay calaamad u ahayd “shuruuddii ugu dambaysay ee lagu sugayay Suudaan si loooga saaro liiska madow.

Mr Hamdook wuxuu sheegay in Suudaan ay rajaynayso wargelinta rasmiga ah ee ka imanaysa mas’uuliyiinta Mareykanka.

Toddobadii bishii Ogoosto sanadkii 1998-kii, gawaari lagu soo rakibay walxaha qarxa ayaa isku mar isku qarxiyay bannaanka safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar es Salaam.

In kabadan 200 oo qof ayaa ku dhintey caasimada Kenya halka ugu yaraan 11-na ay ku dhinteen Dar es Salaam, oo ah caasimadda dalka Tanzania. Kumanaan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyada.

Dadkaas badankoodu waxaa ay ahaayeen dad rayad ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here