Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo kasaare dhimasho ka geystay waddanka Faransiiska.
Labo diyaaradood oo aan aad usii waaweyneyn ayaa isku dhaca iyagoo hawada ku jira kaddibna waxay ku burbureen bartamaha dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen shan ruux, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.
Shilka labada diyaaradood ayaa galinkii dambe ee sabtida ka dhacay magaalada Tours ee ku taalla koonfurta-bari ee waddankaas.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan qiyaastii 50 dab damis, ayaa loogu yeeray goobta.
Ma jirin cid kale oo waxyeello soo gaadhay markii ay diyaaradaha dhulka kusoo dhaceen.
Labada diyaaradood midda yar, oo siday labo ruux, ayaa ayaa ku dhacday xeyndaabka guri ku yaalla magaalada Loches, oo 46km u jirta magaalada Tours.
Qof goob jooge ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in diyaaradda yar ay holacday islamarkiiba, maadaama ay ku dhacday keydka korontada ee gurigaas.
Diyaaradda weyn, oo nooceedu yahay Diamond DA40, ayaa iyana ku dhacday meel goobtaas u jirta 100m (328ft).
Waxaa saarnaa saddex dalxiise.
“Dhammaan shantii ruux ee la socday diyaaradaha way wada dhinteen,” ayey tiri sarkaal la hadashay AFP, oo lagu magacaabo Nadia Seghier.
“Shaqaalaha gurmadka shilalka dhinaca hawada ayaa laga keenay magaalada Lyon.”
Ma jirto sharraxaad dheeri ah oo ku saabsan magacyada iyo waddamada ay u kala dhaceen dadka dhintay. Waxaa kale oo aan ilaa hadda la ogeyn sababta ay labada diyaaradood isugu dhaceen.
Booliska maxalliga ah ayaa billaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadan.
Meelaha ay diyaaradaha ku burbureen ayaa laga xannibay shacabka, waxaana dadka deegaanka loo sheegay inaysan kasoo bixin guryahooda, sida uu qof goob jooge ah ku warramay.
Goob jooge lagu magacaabo Genevieve Allouard-Liebert, oo ku nool deegaankaas, ayaa sheegtay inay si toos ah u maqleysay “shanqarta weyn” ee diyaaradaha markii ay dhulka kusoo dhaceen.
Waxay intaas ku dartay in iyada iyo seygeeda ay arkeen nin kasoo dhacay diyaaradda weyn.
Shilalka diyaaradaha ee hawada ka dhaca ayaa loo yaqaannaa inay dhif yihiin. Shil dhimasho sababay oo Faransiiska ka dhacay sanadkii 1998-kii ayaa sababay in ay 15 ruux geeriyoodaan.