Itoobiya Oo Billaabaysa Diiwaan-gelinta Hubka Sharci-darrada Ah

0
317

Wasaaradda nabadda ee dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay iyada oo ka duulleyso bayaanki uu bilo ka hor meel mariyey baarlamaanka dalkaasi iney wasaaradda waddo tallaabbooyin suuragelinaya diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah.

Wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya iyo Komishanka booliska federaalka Itoobiya warmurtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen oo ku saabsan bisha diiwaan gelinya hubka sharci darrada ee Afrika waxay ku sheegeen diyaar garowga diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah in la dhammeystiray.

Wasiiradda Nabadda ee dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil waxay sheegtay hubka sharci darrada ah ee waddamada qaaradda Afrika ku baahay in lagu sameeyo dambiya fudud illaa iyo falal aragagixiso.

Waxayna intaasi ku dartay labada sanno ee ugu dambeeyey tallaabbooyin lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iney socdeen tallaabbadan diiwaan gelintana ay dadaalkii soo socday qayb ka tahay.

“Hay’adaha loo baahnaa iney xakameeyaan hubka sharci darrada ah uma diyaarsaneyn teknooloojiyaddi ay ku howl geli lahaayeen, dowladduna hay’adihi fulin lahaa waxay u dhammeystirtay qalab iyo tababarradi ay u baahnaayen” ayey tidhi.

“Bayaanka baarlamaanka dalka Itoobiya uu soo saaray waxaa looga tala galay si uu qayb uga noqdo sugidda amniga iyo xasiloonida dalka Itoobiya si ay muwaaddiniinta dalka nabad ugu wada noolaadaan” ayey tidhi.

Hubka sharci darrada ah oo dalka qaybahiisa kala duwan isaga gooshana “Wuxuu sababaa nabadgalyo la’aan, iyo dadka oo is laayo” ayey tidhi wasiiradda Nabadda dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil.

Maxa socda?
La-taliyaha wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya Minas Fisaha wuxuu sheegay Itoobiya inay 2011-kii saxeexday heshiiskii ka hortagga iyo xakameynta hubka fudud ee sharci darrada ah ee loo yaqaanno (Nairobi Protocol), balse sannado badan uu dalkaasi laheen sharciyo arrintan gacan ka geysanayo.

Balse dowladda Itoobiya oo sannadihii u dambeeyey arrintan ahmiyad siisay 2019-kii waxay meel marisay bayaanka xakameynta hubka uu tirsigiisu yahay 1177/2012.

“Xeerarki uu sharcigaasi u baahnaa oo dhanna diyaarintooda waa la dhammeystiray” ayuu yidhi la taliyaha Wasaaradda Nabadda.

Howsha diwaangelinta hubka sharci darrada ee dalka Itoobiya dhawaan ka billaabmayana fulinteeda waxaa loo xil saaray Komishanka Booliska ee dowladda federaalka oo kaashanayo booliska deegannada kuwa ismaamul magaalooyinka.

Balse warmurtiyeedka ay wasaaradda Nabadda soo saartay laguma sheegin xilliga rasmiga ah ee diiwaan gelinta hubka la billaabayo.

“Bayaanka uu tirsigiisu yahay 1177/2012 ayaa si cad looga bayaamiyey cidda hubka qaadan karta ee loo oggol yahay iyo cidda aan loo oggoleyn. Balse guud ahaan sida uu bayaanku dhigayo waxaan hub loo oggoleyn dadka aqoon sharci oo durugsan laheen, dadka ay maxkamad ka mamnuucday ama dadka ay lixaadkoodu dhammeystirneen” ayuu yidhi la taliyaha wasaaradda nabadda Minas Fiseha.

Jadwalka diiwaan gelinta hubkana waxaa soo saari doono Komishanka booliska fedraalka dalka Itoobiya oo howshan loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here