Sawirrada Dagaalkii Faraha Lagaga Gubtay Ee Armenia Iyo Azerbaijan

0
318

 

.

Dagaalka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan oo horay uga mid ahaa Midwogii Soviet ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoogeystay.

Labada waddan ayaa dagaalkooda waxa uu salka ku haya deegaanka Nagorno-Karabakh oo si rasmiya uga mid ah Azerbaijan balse waxaa maamuula qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia.

Dagaalkan haatan soo cusboonaaday ayaa ah dagaalkii ugu xumaa oo muddo tobanaan sanno ah dhexmara labadan dal, wuxuuna midba midka kale ku eedeynayaa sababta dagaalka.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa horay intii u dhaxeeysay 1988 ilaa 1994-tii ku dagaallamayay deegaankan, inkastoo xilligaasi lagu heshiiyay xabad joojin haddana weligood ma aysan gaarin heshiis mira-dhala.

Sawirkan oo ay baahisay Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa muujinaya mid ka mid ah hubka Armenia. Sawirka ayaa la qaaday toddobaadkan intii uu soo socday dagaalka labada waddan.

1px transparent line

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hub culus taasi oo horseedday in gebi ahaanba ay bur-buraan qaar ka mid ah guryaha iyo dhismooyinka shacabka.

Sawirka hoose waa dadka deegaanka Nagorno-Karabakh oo soo barakacay oo cunto loo qeybinayo.

.
1px transparent line

Xoogagga Azerbaijan ayaa duqeeyay magaala madaxda gobolka Nagorno-Karabakh ee Stepanakert. Waxaana la soo weriyay inuu jiro khasaaro aad u baaxad weyn oo naf iyo maalba leh.

Haweeneydan ayaa waxaa lagu arkay iyadoo fadhida gurigeeda hortiisa oo qori sidata.

.
1px transparent line

Dhanka kale maamullada Nagorno-Karabakh ayaa sheegay iney gantaalo ku weerareen eelaboor milatari oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan ee Ganja.

Dab-damiyaal ayaa lagu daabulay Ganja, magaalooyinka iyo tuulooyinka kale si dabka loo damiyo.

.
1px transparent line

Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ee labada dhinac ay ka badantahay inta la soo weriyay sababtoo ah ma jirto cid madaxbanaan ee xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaallka.

Toddobaadkan ayaa haweeneydan la dhigay isbitaalka Ganja kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

.
1px transparent line

Milatariga Azerbaijan ayaa sheegaya iney la wareegeen gacan ku haynta dhowr tuulo, halka Nagorno-Karabakh ay sheegayaan in ciidamadooda ay horay uga dhaqaaqeen fariisimahooda.

Adeegsiga gantaallada culus ayaa horseeday iney burburaan qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Stepanakert.

.
1px transparent line

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in kaabayaasha dhaqaalaha ee dadweynaha iyo dhismooyinka qaddiimiga uu khasaaro ka soo gaaray dagaalka.

Waa dhisme ku yaala Ganja oo uu burbur ka soo gaaray gantaalada ay isu adeegsanayeen labada dhinac.

.

Labada dhinacba khasaare ba’an ayaa soo gaaray oo waxaa burburay guryo rayidka ay leeyihiin, taasi ayaana horseedday in dad badan ay isaga cararaan guryahooda.

Sawirka hoose waa dhisme ku yaala Nagorno-Karabakh oo uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.

.

1px transparent line

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here