Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay in gabadha uu afduubtay qof ay horay ugu socotay dacwad maxkamadeed, iyadoo markaas kaddib la kufsaday, noloshana lagu gubay.
Gabadha, oo lagu magacaabi jiray Shaimaa, hooyadeed ayaa xaqiijisay inay sanadkii 2016-kii maxkamadda ka diiwaan galiyeen kiis kufsi ah oo loo heystay isla qofka hadda lagu eedeeyay afduubkeeda, sidaas awgeedna uu mar kale gabadheeda kula kacay fal aargoosi ah.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal laga arkayo Shaimaa hooyadeed oo dalbaneysa in la ciqaabo qofka ka dambeeyay fal-dambiyeedkaas, waxayna taageero ballaadhan ka heshay shacabka reer Algeria.
Waxaa sidoo kale la faafiyay sawirkeeda iyo hal-ku-dhigyo lagu garab istaagayo.
Maxkamadda fadhigeedu yahay gobolka Boumerdes ayaa sheegtay in garsooreyaasha dhinaca baadhitaanka ay amar ku bixiyeen in eedeysanaha xabsiga loo dhigo si ku meel gaadh ah.
Kiiskan ayaa dood ka dhex dhaliyay bulshada, halka warbaahintana laga muujiyay cadho aad u weyn. Dadka isticmaala Twitter-ka ayaa dowladda ku boorriyay inay xoojiso sharciyada lagu wajahayo arrintan iyo ciqaabta la marinayo dadka dilay gabdha.
Ciqaabta dilka ah
Kufsiga iyo dilka loo geystay Shaimaa waxay dib usoo celiyeen dooddii ku saabsaneyd ciqaabta dilka daldalaadda ah ee in muddo ah ka taagneyd waddanka Ajgeria, iyadoo dad aad u faro badan ay dalbanayaan in lagu fuliyo dadka dambiyada noocan ah abaabula iyo kuwa fuliyaba.
Algeria ayaa ciqaabta daldalaadda ah joojisay horaantii 1990-meeyadii, laakiin dhawaanahan waxaa aad u taagneyd hadal heyn ku saabsan in ciqaabtaas dib loo soo celiyo, gaar ahaan markii dalalka Morocco iyo Tunisia ay ka dhaceen dilal dhowr ah, kuwaasoo dadweynaha ku kallifay inay ku baaqaan fulinta ciqaabaha ugu adag.
Wasiirka Caddaaladda ee Ajgeria, Belkacem Zeghmati, ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii loo abuuri lahaa sharciyo cusub oo ay ka mid yihiin in ciqaabaha la gaarsiiyo ilaa heer dil ah, gaar ahaan marka ay kiisasku khuseeyaan afduubyo iyo dilal loo geystay carruur.