Booliska Kenya ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen shaqaaqo dhex martay taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuwa Madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo gaadhay degmada Muranga ee gobolka badhtamaha dalka ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Kenyatta, ayaa cambaareeyey qalalaasahaa dhacay ee ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala dareeriyaan dhalinyaro fadqalalo waday oo is shiidayey taayirona ku gubay wadada weyn ee magaalada marta oo muddo gaadiidka xayiray.
Shaqaaqadan ayaa sababtay in laba qof ay dhintaan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen. Rabshadahan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Kenya uu dalka Faransiiska booqasho ku joogo.
Ruto wuxuu doonayaa in uu Kenyatta uga dambeeyo madaxtooyada dalka marka la gaadho 2022 hase yeeshee waxa mucaaradad adag kala hor yimi taageerayaasha Kenyatta oo ku doodayay in ololaha uu ka bilaabay dalku yahay mid aan wakhtigiisii la gaadhin maadaama 2 sannadood ka hadhsanyihiin doorashadii.
Labada nin markii ay ku guullaysteen doorashadii hore waxay ballan qaadeen inay dalka ka dawayn doonaa kala qaybsanaanta isirka ku salaysan, laakiin xukuumadda ilaa haatan waxa lagu eedeeyaa in ay uga sii dartay kala qoqobnaatii qabyaaladeed ee jirtay iyo sidoo kale musuqmaasuq ku xididaystay oo keenay in dalka laga lunsado malaayiin doolar oo ay ku jiraan 7.8 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo iibiyo agab lagaga hortago Covid-19 oo haatan la rumaysan yahay in la xaday.