Golaha Majmaca Daraasadka Islaamka ee Al-Azhar Al-Sharif ayaa dhaleeceeyey hadallo uu sheegay madaxwenaha Faransiiska, Emmanuel Maccron, oo uu goluhu sheegay in uu minjo xaabinayo dhamaan dedaallada wada jirka ah ee lagaga hortagayo takoorka diimaha iyo isirka.
Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara hadalladaa takoorka ah ee dhaawacaya dareenka hal bilyan oo qof oo Muslimiin ah.
Hadalladaa aadka loogu dhaleeceeyey Maccron oo ku jiray khudbad uu jeediyey maalintii Jimcihii ee 2 Oktoobar ayaa waxa ka mid ahaa “Islaamku waa diin daafaha dunida oo dhan dhibaatooyin ka abuuray”. Waxaanu sidoo kale shaaciyey qodobo uu sheegay in uu kaga hortagi doono in Muslimiinta dalka Faransiiska ku nooli ay ku noqon karaan bulsho ka go’an dadka intiisa kale.
Waxa sidoo kale dhaleeceeyey hadalladaa ka soo baxay madaxweynaha Faransiiksa, Sheekh Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib, oo sheegay in uu aad uga cadhooday oo u dhaleecaynayo adeegsiga erayada “argagixisada Islaamka” ee iyada oo aan la dhaadanayn dhibaatada ka dhalan karta, ee ah aflagaadaynta diinta Islaamka iyo dadka rumaysan, sahalka loo odhanayo iyo sidoo kale iska indho tirka dulqaadka Islaamka iyo mabaadi’iidiisa quman.
Sidoo kale waxa hadalka Maccron ka falceliyey Golaha Midowga Culumada Islaamka ee Caalamiga ah oo farta ku fiiqay in “dadka diinta Islaamka soo galayaa ay maalin walba sii kordhayaan, sidaa awgeedna aanu ahayn diin dhibaato abuuraya. Laakiin dhibaatadu ay tahay garasho la’aanta dadka ka haysata mabaadi’diisa iyo xaqiiqada diinta iyo sidoo kale nacaybka loo qabo ummada Muslimka ah”.