Roobab Ka Da’ay Gobolka Sool Oo Khasaare Geystay.

0
299

Roobab ka da’ay degaanka Dal-yare ee gobolka Sool ayaa khasaare soo gaadhsiiyey ceelashii iyo beerihii degaankaasi ku yaalley.

Degaankan oo ah dhul beero lay ah ayaa khasaaraha ugu badani kasoo gaadhey waxyaalihii ay beeran jireen iyo ceelashii degaankaasi, iyada oo ay gebi ahaanba dumeen ceelashii laga waraabin jiray beerahaasi, waxa sidoo kale waxa go’ay wadooyinkii geli jiray beeraha oo dooxyo ka dilaaceen.

Beeralayda iyo dadka degaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaadho, si looga caawiyo beeraha iyo ceelasha ay waxyeelooyinku kasoo gaadheen roobabkan iyo daadadkan kasoo rogmaday.

Waxay sidoo kale dadka degaankani sheegeen in degaanka Dal-yare ay labada dhinac ka maraan goobo biyo mareen ah, kuwaas oo khatar ku ah degaanka iyo dadka ku noolba, waxaanay codsadeen in loo baneeyo wadooyinka xidhmay, isla markaana loo sameeyo goobo ay ka talaabi karaan.

Dadka degaankan ayaa sheegay in dooxyadda hareeraha ka maraa ay dhibaato ku hayaan isu socodka dadka degaanka, isla markaana ay gaadhaan in ay labada dhinac ee dooxyadda u hoydaan marka uu roobku da’o.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here