Erdogan Oo Wacad Ku Maray In Uu Garab Is Taagayo Azerbaijan Oo Dagaal Kula Jirta Armenia

0
328

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu garab taagan yahay Azerbaijan tan iyo inta laga xoreynayo gobolka uu dagaalka ka socda ee Nagorno-Karabakh.

Ciidammada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ayaa ku dagaallamayaa gobolkaas lagu muransan yahay, dagaalka ayaa galay maalinkii lixaad.

“Waxay qalbiyadeena la jiraan walaalaheen iyo saaxibadeen Azerbaijan, Turkiga wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Azerbaijan, dagaalka wuu sii socon doonaa tan iyo laga xoreynayo gobolka Nagorno-Karabakh”

Erdogan waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Azerbaijan ay howlgal xooggan ka fuliyeen gobolka isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaano badan.

“Armenia waxay mar kale weerar ku qaaday dhulka Azerbaijan, Azerbaijan waxay bilowday howgal xooggan, Armenia waxay wajaheysaa natiijo aysan fileyn, xilli ay horumar ka gaarayaan dagaalka ciidamada Azerbaijan waxaa u suuro gashay inay qabsadaan deegaano badan” ayuu yiri Erdogan.

Armenia waxay maanta sheegtay in Azerbaijan ay weerar ku qaaday caasimadda gobolka Nagorno- Karabakh xilli dagaallada ay socdaan.

Saraakiisha waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhawaacmeen bambaanooyinka lagu riday caasimadda Stepanakert, burbur ayaa ka dhashay weeraradaas.

Armenia waxay sheegtay inay ku rajo weyntahay in la gaaro xabad joojinta ay soo jeediyeen Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska balse Azerbaijan wey ku gacan seyrtay baaqaasi.

Dagaalka ka socda Nagorno-Karabakh

Bayaan kasoo baxay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa lagu sheegay in madaxweyne Putin iyo Ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ay walaac ka muujiyeen dagaalyahanada shisheeye ee u dagaallamaya Azerbaijan kaddib markii ay teleefoon ku wada xiriireen.

Hadalka Erdogan ayaa kusoo beegmayaa xilli uu dhawaan Armeniya ugu baaqay iney joojiso qabsashada dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh si ay labada dal xal waara u gaaraan.

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

Ereyga ‘Nagorno’ waa luqadda Ruushka oo micnaheedu yahay ‘Buur’ halka ereyga ‘Karabakh’ oo luqadda Azeri ah uu micnaheedu yahay ‘Beerta madow’

Halka shacabka Armenia ay deegaankan ugu yeeraan “Artsakh”.

Sanadkii 1988-dii, xilli nidaamkii Soviet-ka uu qarka u saarnaa burbur, ciidammada Azerbaijan iyo ciidamadii gooni u goosadka Armenia waxaa dhexmaray dagaal xooggan, waxaana dagaalkaas lasoo afjaray kaddib heshiis u dhexeeyay labada dhinac sanadkii 1994-tii balse dhaqangelinta heshiiskaas ayaa lagu guuldareystay , ilaa iyo maanta weli xal lagama gaarin colaaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here