Mareykanka: Garsoore Hor Istaagay Xayiraadda Lagu Soo Rogay TikTok

0
312

Garsoore Carl Nichols ayaa amar ku bixiyey in si ku meel gaar ah loo joojiyo xayiraadda la saaray in la soo dejisto App-ka TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha

App-ka TikTok ayaa xayiraad lagaga soo rogay dhanka Apple App Store iyo Google Play si aan loo soo dejisan.

Balse dadki xayiraadda ka hor soo dejistay oo horay u isticmaali jiray App-ka TikTok ayaa la sheegay iney saameyneyn.

Balse qofka Mareykanka ku sugan haddii App-ka TikTok uu damco inuu cusbooneysiisto ama uu markale soo dejisto uma suuragaleyso maadaamaa la manuucay.

Garsoore Carl Nicholas oo ka tirsan maxkamadda degmada Columbia ayaa Axaddi shalay ahayd soo saaray amar ku meel gaar ah uu ku hor istaagayo manuucidda maamulka Trump uu saaray TikTok.

Wuxuuna garsooraha sheegay amarkaasi inuu u soo saaray si uu xuquuqdiisa iyo xuquuqda dadka kale ay leeyihiinba u ugu difaaco.

TikTok ayaa dhankiisa ku doodaya cadaadiska iyo xayiraadda lagu hayo iney dadka App-ka isticmaala ay soo dejisan u ka hor imanayo qodobbada 1-aad iyo 5-aad ee dastuurka Mareykanka ee dib loo habeeyey.

Garyaqaanno dowladda Mareykanka u dooda ayaa xayiraadda App-ka TikTok ku tilmaamay mid looga hortagayo App-ka maadaamaa uu u adeego Xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinaha (CCP).

Amarka garsooraha u bixiyey ayaa ku soo beegmaya usbuuc kaddib marki App-ka kale ee Shiinaha laga leeyahay WeChat xayiraad la mid ah lagu soo rogay.

TikTok
Saraakiisha sare ee Washington ayaa ka walaacsan in shirkaddani ay xogta isticmaaleyaasha dalkeeda Mareykanka u gudbin karto dowladda Shiinaha, waa ay se beenisay shirkadda ByteDance.

Barnaamijkan la iskula wadaago muuqaallada gaab-gaaban ayaa ku haysta dalka Maraykanka macaamiil gaadhaysa 80 Milyan.

TikTok app

Marxaladihi TikTok

March 2012: Waxaa daka Shiinaha laga hirgeliyey App-ka Bytedance wuxuuna hirgeliyey App-ka Neihan Duanzi oo shacabka Shiinaha ka caawinaya iney xoga badan wadaagaan.

September 2016: Bytedance wuxuu billaabay qaab ay muuqaallada yaryar dadku ku wadaagi karaan iyaga oo adeegsanaya app-ka Douyin ee Shiinaha oo keli ah ka shaqeeyo.

August 2017: Waxaa soo baxay App-ka Douyin oo caalamka looga talagalay oo uu ka hoos shaqeyo barnaamijka TikTok oo qayba badan oo caalamka laga isticmaalo balse xilligaasi Mareykanka lagama isticmaaleyn.

November 2017: Bytedance waxay iibsatay App-ka Musical.ly

May 2018: TikTok wuxuu shaaca ka qaaday inuu barnaamijka uu yahay mid cid kasta oo u baahato ay soo dejisan karto.

August 2018: Bytedance waxay shaaca ka qaadday iney xirtay App-ki ay horay u shaacisay ee ahaa Musical.ly ayna ku beddeshay TikTok.

February 2019: TikTok wuxuu ka howlgalay carriga Mareykanka.

October 2019: Mulkiilaha Facebook Zuckerberg ayaa si rasmi ah u cambaareeyey TikTok, isaga oo ku eedeeyey mudaharaadyada caalamka ka socda in lagu huriyo.

November 2019: Guddiga Amniga iyo Maalgashiga Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa baaritaan ku billaabay TikTok.

May 2020: TikTok ayaa shaqaaleeyey Kevin Meyer inuu u noqda madaxa howlgallada barnaamijka Bytedance

June 2020: Hindiya ayaa mamnuucday TikTok iyo tiro App laga leeyahay dalka Shiinaha.

July 2020: Xoghayaha arrimaha dibadda Mike pompeo, kaddibaa mdaxweyne Trump ayaa sheegay iney dhici karto in TikTok la mamnuuco.

August 2020: Shirkadaha Microsoft iyo Oracle ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey TikTok inuu ka shaqeeyo gudaha Mareykanka iyo suuqya kale oo muhiim u ahaa. Mr Meyer wuxuu shaaca ka qaaday inu shirkadda ka tagayo maadaamaa ay “xaaladda siyaasadeed si lama filaan iisu beddeshay”.

September 2020: TikTok ayaa ku gacanseyray dalab uga yimid Microsoft ee u gogol xaarayey in heshiis lala galo Walmart iyo Oracle. Wasaaradda Ganacsiga Mareykankana mamnuuciddi la saaray TikTok xilliga uu hirgeli lahaa waxay ku kordhisay hal usbuuc, maadaamaa uu jiray jahwareer ku aaddan heshiiska dhici karo waxa uu yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here