Baarayaasha ayaa waxa ay isha ku hayaan soo faagista qalfoofka ku haray deegaan fog oo ku yaal gobolka waqooyi-galbeed ee ee Ngäbe-Buglé ee dalkaas halkaas oo ay ku nool yihiin dadka waddankaas loogu tagay.
Bishii Janaayo ayaa goob halkaas u dhaw waxaa laga helay xabaal-wadareed ay ku jireen maydadka todoba qof. Dhibanayaashaas oo lala xiriiriyay koox diimeed la rumaysan yahay inay qaadaysay weerrar ka dhan ah dad ay u arkaan inay dhibaato yihiin.
Dacwad ooge Azael Tugri ayaa sheegay in baarayaasha ay qasab ku noqotay inay muddo 10 saacadood ah buuraha fuulaan si ay u gaaraan xabaal-wadareedka, kaas oo laga helay dhinaca waqooyi ee gobolka Ngäbe Buglé, bartaas oo webi u dhaw.
Deegaankaas ayaa waxa uu 350km galbeedka ka xigaa magaalada caasimadda ah ee Panama City.
“Waqtigan la joogo suuragal ma ahan inaynu go’aan ka gaarno jinsiga maydadka ama dadka xabaal-wadareedka laga helay,” ayuu u sheegay warbaahin maxalli ah.
Dhammaan haraadiga ayaa waxaa loo diray qolalka maydadka lagu kaydiyo ee gobolka Chiriquí halkaas oo lagu baari doono, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska dacwad oogaha (oo ku qornayd luuqadda Spanish-ka).
Goor sii horraysay todobaadkan ayaa boolisku waxa uu soo xiray hogaamiye la sheegay inuu maamulo koox diimeedka New Light of God, kooxdaas oo lala xiriiriyay xabaal-wadareedkii la helay bishii Janaayo.