Tirada Diyaaradaha Loo Baahanayo Si Tallaalka Corona Loo Gaadhsiiyo Caalamka Oo Dhan

0
332

In tallaalka feyriska Corona la gaarsiyo caalamka ayaa noqon doonta “caqabaddii ugu wayneed ee dhanka gaadidka ee u caalamka wajaho ” sida ay sheegeen shirkadaha dhanka diyaaradaha.

Waxaa loo baahan doonaa 8,000 oo diyaaradood oo ah nooca Boeing 747s, sida ay sheegeen ururka caalamiga ah ee ay ku midoobeen shirkadaha diyaaradaha.

Ilaa iyo imika ma jiro tallal rasmi ah oo la soo saaray kaasi oo looga hortagayo feyriska Covid-19.

Balse ururka ay ku bahoobeen shirkadaha diyaaradaha caalamka ayaa bilaabay inay la shaqayaan shirkadaha diyaaradaha, garoomada , ururada caafimaadka, shirkadaha daawooyiinka soo saara, islamarkana laga tashado sidii marka talaalka la soo saaro loogu daabuli lahaa qeybaha kala duwan ee caalamka.

Barnaamijka lagu gaarsiinayo tallaalka daafaha caalamka ayaa waxaa la qiyaasayaa in qofkiiba u baahnaan doono in la siiyo cabir ku filan.

“In si badqab ah tallaalka loo gaarsiiyo dalalka ayaa noqon dona howgalka qarniga ee diyaaradaha xamuulka qaada ee caalamka, balse ma noqon doonto mid aan horey qorsha looga sii dagin, xilligaasina waa imika, ,” ayuu yiri madaxa ururka ay ku bahoohoobeen shirkadaha diyaaradaha caalamka Alexandre de Juniac.

Xilli shirkadaha diyaaradaha ay diiradda ku hayaan sidii ay xamuulka kala duwan caalamka u gaarsiin lahaayeen xilligan uu dhaqaala burburka jiro aya hadana in la daabulo tallaalka waxay noqon doontaa mid ka sii adag.

Marka ay timaado safrinta tallaal ma qaadi karto diyaarad kasta maadaama loo baahan yahay heer qabow u dhaxeeya 2 and 8C marka daawada la safrinayo.

Qaar ka mid ah tallaalada ayaa u baahda qabow aad u heer sareeya taasi oo meesha ka saaray in diyaaradaha qaar ay safriyaan.

“Si wanaagsan ayaan u naqaanaa hannaanka, waxaan u baahannahay ayaa ah in aan sare u qaadno cabirka loo baahan yahay,” ayuu intaa daray Glyn Hughes,.

Duulimaadyada goobaha qaar sida Koonfur bari Eeshiya ayaa ah goobo muhiim ah maadaama aysan lahayn awood ay tallaal ku soo saari karaan.

Caqabadaha ka hor iman kara safrinta tallaalka

In talaalka al gaarsiiyo qaaradda Afrika ayaa noqonaysa “mid aan suuragal ahayn” xilligan, sababo la xiriira in aysan jirin diyaarado xamuul oo awoodi kara, masaafada gobolka iyo inay adagtahay in xuduudaha qaar laga gudbo,sida ay sheegeen ururka ay ku bahoobeen diyaaradaha qaadda xamuulka.

In la safriyo waxay u baahan tahay in goobaha talaalka la dhigayo ay noqdaan kuwa qabow.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wai la dhameystirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here