Hoggaamiyihii Mucaaradka Dalka Belarus Oo La Afduubtay

0
285

Haweeneyda hoggaamineysa banaanbaxyada ka socda dalka Belarush Maria Kolesnikova ayaa la afduubtay sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka ee caalamku, afduubka waxaa geystey dad aan la caddeyn halka ay ka socdaan.

Xiliga la afduubanaayey Maria Kolesnikova ayey ku sugneyd badhtamaha magaalada Minsk ee caasimadda dalkaas oo ay ka socdaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo Lukashenko.

Kuwa afduubka geystey ayaa wejiyada soo qarsadey, waxaana ay ku qaateen gaadhi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad arkaayey xiliga afduubku dhacaayey.

Warka afduubka haweneydan ayaa yimid kadib markii isla shalay Isniintii ay soo baxeen in la xidhay dad gaadhaya 633 qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaadanaayey mudaaharaadyada.

Booliska magaalada Misnk ayaa sheegay in ayna xidhin Maria Kolesnikova sida ay ku warantey wakaaladda Interfax ee dalka Ruushanka, waxaana ay iska fogeeyeen afduubka.

Maria Kolesnikova ayaa ah haweeneyda keliya ee mucaaradka ka tirsaneyd ee ku hadhey dalka Belarussia, waxaana ay isku daydey in ay tartanka doorashada la gasho hoggaamiyaha mudada dheer xilka hayey Lukashenko.

Tan iyo markii Alexander Lukashenko ku dhawaaqey in uu markii lixaad uu ku guulleystey doorashada codad ka badan 80% waxaa Belarus ka bilaamay mudaaharadyo ooda jabsadey.

Belarus waxay ka tirsanaan jirtey Midowgii Sofiyeetiga, Alexander Lukashenko keliya ayaana hoggaamiye ka noqdey tan iyo markii USSR ay burburtey sanadkii 1991.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here