Weerarradii Misaajiddada: “Xukunka Lagu Riday Tarrant Uma Qalmo Dambigii Uu Geystay”

0
356

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun ku ridday ninkii 51-ka qof ku laayay labada misaajid. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo aan sideyn sharafeed lahayn. Waa qofkii ugu horreeyay ee taariikhda dalka New Zealand soo mara xukunkan.

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale.

Garsooraha ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.

Weerarka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka.

“Dambiyada waxay ahaayeen kuwa aad u xun oo xitaa haddii lagu xiro inta aad ka dhimanaysa aanan u dhigmin ciqaabtii loo baahnaa,” waxaa sidaasi sheege garsoore Cameron Mander oo xukunka riday.

Garsoore Mander ayaa muddo ku dhaw saacad xusuusinayay Tarrant qof walba oo uu dilay ama uu dhawaacay.

Waxaa uu intaa ku daray uusan ninkan muujin “in uu gef geystay amaba uusna dareemayn wax ceeb ah”.

Qareenadda Tarrant ayaanan ka so horjeedsan xukunka xabsi daa’inka ah ee lagu riday .

Brenton Tarrant, ninka weerarka geystay

Waxaa uu sidoo kale ninkan la xukumyay diiday xaqii uu u lahaa in uu maxkamada ka hadlo markii xukunka lagu ridayay.

Wixii ka dambeeyay weerarkii uu ninkan ka geystay masaajidida bishi March ee sanadkii anau soo dhaafnay, ayaa waxay xukuumadda, New Zealand adkeysay shuruucda la xiriirta hubka.

Qaabkee ayay u dhacday maxkamadeynta?

Dhageysiga dacwadan ayaa qaadatay muddo 4 maalmood ah, islamarkana waxaa maxkamadada ka hor hadlay 60 qof oo ka mid ah dhibanayaashii weerarkaasi.

Maalintii ugu dambeysay ee dhagaysiga, ayaa waxaa maxkamadda laga akhriyay aayado quraan ah.

Waxaa sidoo kale maxkamada la horkeenay oo ay ehelada wateen sawirada dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Maysoon Salama, oo wiilkiisa uu ku dhintay weerarkaasi misaajidada lagu qaaday ayaa sheegay in Tarrant “uu argagax galiyay dhammaan dalka New Zealand islamarkana uu ka nixiyay caalamak oo dhan “.

Sara Qasem, oo iyaduna aabaheed Abdelfattah Qasem uu ku dhintay weerarkii lagu qaaday misaajidka Al Noor ayaa sheegtay “in aabaheed uu ahaa nin qalbi wanaagsan “.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here