Cisbitaalkii Guud Ee Burco Oo Isu Badalay Goob Ganacsi Oo Nin Ku Taajiro

0
457

DOOLARKII_DANYARTA, CUSBITAALKA BOOLI-QARAN & AGAASIMAHA ISA-SIIYAY CISBITAALKII-QARANKA

Cisbitaalka weyn ee Burco wuxuu marjac caafimaad (referal hospital) u yahay in ku dhow 2 milyan oo qof oo ku nool gobolada Bariga Somaliland. Bulshada Bariga Somaliland oo ah kuwa ugu faqiirsan ee Dawladdu dayacday ayaa ku tiirsan Cusbitaalka weyn ee Burco si ay uga helaan adeegyo caafimaad.

2018kii, bilo ka dib markay dhalatay Xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha ka yahay,ayaa Wasiirka Caafimaadka laga dhigay Diktoor lagu magacaabi jiray Dr Xasan oo reer Burco ahaa. Bulshaweynta Burco ayaa filayay in isbedelkan iyo Diktoorkoodan wasiirka laga dhigay in ay helidoonaan adeeg caafimaad oo ka wacan kii hore ee aadka u liitay.

“KA DAR OO DIBI DHAL” ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Burco waxay ka dheeftay isbedelka laba shay:

1. Adeegyadii Caafimaad ee Cisbitaalka Burco oo QAALIYOOBA

2. Wiil Agaasime ah oo reer Burco ah oo wasiirkaasi adeer u ahaa, oo Danyarta ka shaqaysanaya oo aan u shaqaynayn oo weliba Dantii-Guud isagu ISA-SIIYAY, Cisbitaalkiina ka dhigtay Meherad Maalmo lagu Taajiro.

Qodobka 1aad waxaNU kusoo gudbindoonaa hab farshaxan leh oo isbarbardhigaysa Qiimihii Hore iyo ka Maanta.

Laakiinse Maanta aynu ka hadalno sida looga Hodmay Doolarkii Danyarta.

Cisbitaalka Burco waxaa Maalintii kusoo xarooda lacag celcelis ahaan ah $4,500 (Afar Kun & Shan Boqol oo Doolar), halka Bishiina ay gaadhayso $$$$$135,000 (Boqol & Shan & Sodon Kun oo $$$$). (Xisaabxidhka waanu haynaa)….
Lacagtaas waxaa qarash ahaan Cisbitaalka dib ugu noqda in ka yar $21,500 (Kow & labaatan Kun & Shan Boqol). Waxaa la lunsadaa sanadkii in ka badan $113,500 oo ah lacagtii laga ururiyay danyarta. Musuqmaasuqani kuma jiro lacagta Miisaaniyadda ee Dawladda dhexe oo sadexdii bilooodba mar usoo dhacda.

Intaas oo dhan markaynu arkayno in Lacagtii Danyarta Burco ay maqantahay, aynu isweydiino xagay qabatay lacagtaasi? Maxay uga muuqan weyday Masuuliyiintaas.? Waa kuwan Jawaabahaasi.

Agaasimaha ISA-SIIYAY Cisbitaalka Burco Wuxuu noqday Siyaasi iyo Ganacsade isasaaran. Midda 1aad: Lacagtaas in ka mid ah wuxuu ku celiyaa reerkiisa uu meesha u fadhiyo, Odayaal, Siyaasiyiin xilal haya, Ciidan, Garsoor, iyo dhalinyaro badan oo halkan cay ku qoridoonta. Dhamaan dadkaasi waxay qaataan#Doolarkii_Danyarta. Tusaale ahaan wuxuu shabahaa Nin Haysan Jiray Dekedda Berbera oo ku raagay oo meesha ISA-SIIYAY oo reerkiisana mushahar uga qoray oo aad si fiican u garanaysaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here