Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca dalkaas, oo si la mid ah Abiy kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, islamarkaana mar ay xulfo ahaayeen, maalmo un kadib markii uu xabsi guri geliyey.
Xil ka qaadista Lemma Megersa oo lagu shaaciyey barta twitter-ka ayada oo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ayaa muujineysa heerka ay gaadhay xiisadda Itoobiya ee u dhaxeysa Abiy iyo siyaasiyiinta Oromada, ee ku saleysan habka lagaga gudbayo marxaladda kala-guurka Itoobiya.
Abiy ayaa sannadii 2018 noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo Itoobiya ay yeelato kadib dibad-baxyo xooggan oo horseeday inay is-casisho xukuumaddii ka horreysay. Hase yeeshee Oromo badan ayaa sheegaya in Abiy aanu waxba kama qabin dareenkooda muddada jiray ee ah in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la liiday.
Wareysi uu siiyey VOA Amharic ayuu Lemma bishii November ku cambaareeyey qorshihii uu Abiy isbaheysigii xisbiyada kala qowmiyadaha ahaa isugu geeyey hal xisbi oo loogu magac daray Xisbiga Barwaaqada ama PP.
Lemma oo hore madax ugu ahaa Abiy intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada ayaa sidoo kale diiday wax uu ugu yeedhay siyaasadda Abiy ee “Medemer” oo ah erey Amaxaari ah oo macno ahaan noqonaya “isku dar”.
Lemma ayaa dhowrkii bilood ee tegay gees looga riixay siyaasadda Itoobiya, ayada oo kadibna shaqadiisa la hakiyey, lana geliyey xabsi guri.
Xiisadda Abiy iyo Lemma ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xidho shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xidhay sababo la xidhiidha dibad-baxyadii lagaga soo horjeeday dilka.
Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xidhiidh la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy.