Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xiriirka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmarayo kaddib marki ay toddobaadki hore ay gaareen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda.
Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa si toos ah taleefan marki ugu horreysay ugu wadahadlay “iyaga oo isdhaafsaday farriimo salaan ah oo taariikhda gashay”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen.
Mr Kushner wuxuu CBS u sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay.
Waxaana heshiiska nabadeed ee Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka dhexmaray si rasmi ah loogu dhawaaqay Khamiisti aan ka soo gudubnay.
Wuxuuna Trump heshiiskani nabadeed uu ku tilmaamay inuu yahay midkii seddexaad ee Bariga dhexe ku dhexmaro Israa’iil iyo carabta, waddamada khaliijkana uu ka yahay kii ugu horreeyey.
Beesha caalamka ayaa si weyn u bogaadisay heshiiskaasi iyaga oo ku tilmaamay billow wanaagsan, halka ay Falastiin, Turkiga iyo Iiraan ay ku gacanseydheen.
Sida uu dhigayo heshiiska ay labada dal gaareen, Israa’iil ayaa waxay oggolaatay iney hakiso qorshaheedi muranka badan dhaliyey ee ahaa iney isku ballaadhiso daanta galbeed ee Falastiin.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gabi Ashkenazi oo taleefan kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Abdullah bin Zayed al-Nahyan wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray labada dal iney ku heshiiyeen iney dib u furaan xiriika isgaarsiineed ee tooska ah iyada oo la sugayo iney heshiis dhammeystiran dhawaan gaaraan… iyada oo madaxda labada dal ay kulmayaan.
Wasiirka isgaarsiinta Israa’iil wuxuu sheegay shirkadda Imaaraadka ee bixisa adeegga taleefoonnada waxay xayiraadda ka qaadday furaha taleefoonnada dalka Israa’iil +972.
“Waxaan Iisutagga Imaaraadka Carabta ugu hambalyeynayaa xiriirka taleefoonnada ay dib u fureen,” ayuu yiri wasiirka isgaarsiinta Israa’iil Yoaz Hendel.
“Fursado dhaqaale oo aad u badan ayaa u furmaya tallaabbadan labada dal kalsoonida ka dhex abuuraya ayaa la filayaa inuu sare u kaco danaha ay labada dal iska leeyihiin.”
Labada dalna heshiiska kama dambeysta ah waxaa la filayaa iney Washington ku saxeexaan seddex usbuuc gudahood. Tallaabbooyinka ay labada dal xiriirkooda ku soo celinayaan waxaa ka mid ah iney safaarado isdhaafsadaan.
Waxay labada dal sida oo kale ay Sabtidi kala saxiixdeen heshiis ay isaga kaashanayaan cilmibaarista la xidhiidha Covid-19.
Ilaa iyo hadda Israa’iil xiriir diblumaasiyadeed lama laha waddamada carabta ee Khaliijka ku yaalla. Balse dareenka ay ka qabaan Israa’iil ayaa waxay ku kalliftay iney xiriir dadban yeeshaan.
La taliyaha sare ee madaxweyne Trump Jared Kushner, wuxuu sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay.
Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.
Iraa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu rajeynayo waddama Carbeed iyo kuwa Muslimiin ahba iney heshiisyo la galaan Israa’iil.
Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay.