Maalin aad u weyn ayay u tahay Koonfur Afrika iyadoo dalkan uu ku jiray mid kamid xayiraadaha ugu adkaa caalamka balse haatan waa la qafiifiyay.
Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu ammaanay qaabka dowladiisa ay u wajahayday cudurkan safmarka waxaa uuna muujiyay In rajadu ay wanaagsantahay hase ahaate waxaa uu sheegay in dalkiisu waji cusub hadda galay
Tirada guud ee dhimashada koonfur afrika waa 11 kun balse tallaabo deg deg ah oo cisbitaallada iyo howlwadenada dalkaasi ay sameeyeen ayaa looga hortagay faafitaaka cudurkan, iyada oo dhaqaalaha dalka Koonfur Afrikana uu hoos u dhacay.
Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu sheegay in malaayiin qof ah ay cunno la’aan la daristay wuxuuna madaxweynuhu intaasi kudray in sanado badan ay qaadan doonto in dib loo soo dhiso dhaqaalaha Koonfur Afrika.
Madaxweynaha waxaa uu si kulul ula hadlay saraakiisha caafimaadka doonaya inay ka faideystaan cudurkan safmarka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa jira walac laga muujinaya in cudurka uu mar labaad soo labakacleeyo, Madxweyne Ramaphosa waxaa uu sheegay in xaalada soo socoto ay ka dernaan doonto tii hore haddii dadka aysan u hoggaansamin shuruucda caafimadka ee looga hortagayo cudurka.
Dhankakale, warbixin rasmi ah oo ay soo saartay xukuumadu ayaa muujisay in fal dembiyeedku ay dalka Koonfur Afrika hoos ugu dhaceen 40% saddexdii bilood ee dalku ku jiray xayiraadda.
Wasiirka booliska ayaa sheegay in noocyada fal-dembiyeedka dhammaantood ay hoos u dhaceen inti u dhaxaysay Abriil iyo Juun, waxaana ka mid ah falalkaasi yaraaday kufsiga iyo guryaha la gubo.
Wuxuu intaa ku daray in xeerkii lagu mamnuucay khamriga ee muranku ka dhashay intii xayiraadda ka hortagga fayraska korona uu gacan ka geystay arintaas, laakiin ay kordheen weerarrada dhaca ah ee lagu qaado dukaamada iibiya khamriga.