Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland Oo Toogasho lagu Dilay

0
515

Wararka ka imaanaya gobolka Awdal   ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsanaa ciidamada Somaliland toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa tuulada Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaye ee gobolkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabo jiray, Saleebaan Cabdullahi Jaamac Ducaale, waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga  Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu fuliyey, isla akari kale oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo toogasho ku dilay marxuumka isaga oo hurdayey ama jiifay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado, balse ay ciidamada ammaanka ku qabteen deegaano u dhexeeya Beeyo-Cadaado iyo Gargaara, iyadoona loo taxaabay saldhigga Booliiska Gargadadar ee Gobolka Awdal.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay askariga geeriyooday, balse saraakiisha Somaliland ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here