Ardayda Shiinaha ee Mareykanka ugu xanniban sababaha la xiriira fayraska corona iyo siyaasadda sii xumaaneyso ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa haatan waxay dib uga fakarayaan dalkan soo dhaweeyay iyo dalkooda hooyaba.
Sideed sannadood ka hor Shizheng Tie oo xilligaasi 13 sanno jir ahayd ayaa waxay Shiinaha ka soo haajirtay iyadoo kaligeed ah si ay wax uga barato Mareykanka. Xilli ayay ku fakari jirtay riyadeeda Mareykanka balse haatan waxay sheegeysaa iney Mareykanka ku dareemyeso cidlo iyo iney marti ku tahay.
“Anigoo Shiinaha u dashay kuna nool Mareykanka, haatan waxaan dareemayaa cabsi,” ayay tiri. Tie, oo haatan ah ardayad dhigata Jaamacadda Johns Hopkins ayaa haatan Ameerika ku tilmaameysa iney ka soo horjeeddo Shiinaha.”
Ilaa 360,000 oo ah araday Shiinees ah ayaa dhigata iskuulada Mareykanka. lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay la kulmeen laba dhibaato oo waaweyn oo kala ah: Fayraska corona iyo xiIsadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka taasi oo badashay fikaradahooda ku aaddan laba dal.
‘Siyaasadda’ iyo ‘walwalka’
Inta badan ardayda Shiineska ah ee wax ka barata Mareykanka, iyaga ayaa iska bixiya kharashaadka ay wax ku bartaan waxayna ku raja weynyihin waxbarashada reer galbeedka taasi oo sida ay aaminsan yihiin ku hogaamineyso mustaqbal wanaagsan.
Dhanka kale, xukuumadda Washington ayaa ka digeysaa in dhammaan ardayda Shiinaha u dhalatay ee wax ka barta Mareykanka aysan wada ahayn arday caadi ah oo qaarkood waxa ay meesha u joogaan xukuumadda Beijing.
Maamulka Trump ayaa mar sii horreysay joojiyay dal-kugalka ilaa 3,000 oo arday ah, kuwaasi oo ay aaminsan yihiin iney xiriir la leeyihiin milatariga Shiinaha.
Sidaasi darteed haatan arday badan oo Shiinees ayaa ka cabsi qaba iney noqdaan bartilmaameed dhanka siyaasadda ah.
Tie ayaa haatan doorbideysa iney dib ugu laabato Shiinaha oo haatan la xakameeyay Faafidda fayraska corona. Balse waddanka ayaa amar ku bixiyay in la yareeyo duullimaadyada caalamiga ah.
Midab-takoorka
Kaddib walalkii fayraska corona ee dalkooda, haatan ardaydan Shiineeska ah waxay wajahayaan dhibaatooyinka coronavirus ee Mareykanka.
Waxay dareemeen xasilooni darro iyo midabtakoor kaddib hadalladii madaxweyne Trump ee ahaa “Hargabka Kungu” iyo “fayaska Shiinaha”. Xitaa qaarkood waxay la kulmeen tacaddiyo faquuq ah.
Dib uga fakaridda Shiinaha iyo Mareykanka
Inkastoo ay haysato dhibaato la xiriirata xaddidaada socdaalka ee Shiinaha, Tie ayaa sheegeysa iney waddaninimadeeda korortay tan iyo markii ay bilaabatay nolosheeda dibadda.
“Waxaan aaminsanaa in Mareykanka uu noqon doono dhulka cajiibta ah ee riyadeeyda balse haatan sidaasi ma aaminsani,” ayay ku qoratay wargeysa iskuulkeeda bishii Juun mar ay dhaleeceynaysay midabtakoorka iyo naceybka Ameerika.”
Bilowgii bishii July, xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday siyaasad dalkeeda looga mamnuucayo iney ardayda wax ka barata joogaan, balse go’aankaasi dib ayaa loo laalay kaddib markii la cambaareeyay.
“Inaan wax ka barto Mareykanka khibrad muhiim ah ayay u ahayd nolosheyda, weligeyna ka shalaayi maayo.” “Balse waxaan u kululahay inaan ka qeyb qaato isbadalka Shiinaha oo ah halka shaqadeyda ay micno ku yeelaneyso,” ayay tiri Tie.