Hay’adda WHO Oo Ka Hadashay Rejada Laga Qabo Helidda Talaalka Cudurka COVID 19

0
283

Madax hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa sheegay inkasta oo ay jirto rajo ku saabsan in talaal loo helo feyriska Corona hadana laga yaabo in aanba la helin.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa ku sheegay in ayna jirin wax damaanad qaadaya waqti xadirka helidda talaal islamarkana xitaa laga yaabo in aan la helin”.

Mr Tedros ayaa ku booriyay guud ahaan dadka ku nool caalamka in ay u hogaansamaan kala fogaanshiyaha, dhaqashada gacmaha iyo xidhashada Maaskarada.

Guud ahaan caalamka, in ka badan 18 milyan oo qof ayuu ilaa iyo ku dhacay feyriska Covid-19.

Tirada dadka u dhintay feyriska ayaa ilaa iyo imika gaadhaysa 689,000, sida ay sheegtay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins.

Agaasimaha guud ee hay’adda WHO oo ka hadlayay xarunta hay’adda ee Geneva, ayaa sheegay in shaqooyiinka talaalka ay meel wanaagsan marayaan.

“Tiro ah tijaabadda talaalka ayaa waxay marayaan wajigii saddexaad, waxaana rajaynayaa in ay jiri doonaan tiro talaalo ah oo gacan ka gaysan doona ka hortagidda feyriska, ayuu yidhi Mr Tedros.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here