Weerar Lagu Qaaday Xabsiga Weyn Oo Ku Yaalla Dalka Afghanistan

0
560

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay weerar shalay gelinkii danbe ay ku qaadeen kooxda Daacish xabsiga weyn ee magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afghanistan.

Weerarkan oo socday illaa xalay wakhti danbe ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 24 kamid ah maxaabiista iyo ciidamada goobtaasi ku sugnaa.

Saddex qarax oo ismiidaamin ah ayuu ku bilaamay weerarkan oo ay sheegatay kooxda Daacishta dalka Afghanistan.

Waxaa la rumeysan yahay in weerarkan uu yahay mid ay Daacish kaga aargudaneyso dilkii loo geystay hogaamiyaha Amniyaatka kooxdaasi oo ay dhawaan dileen ciidamada dowlada.

Qaar kamid ah Maxaabiista ku xidhnaa xabsiga Jalalabad ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib qaraxyadii halkaasi ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here