Koonfur Galbeed Somalia Oo War Ka Soo Saartay Dilkii Loo Geystay Guddoomiye Koosto

0
337

 Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixisay weerar qorsheysnaa oo xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn, Maxamed C/laahi Koosto.

Wasiirka arrimaha gudaha & dib u heshiisiinta dowlad gobolka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka oo lagu dilay bam gacmeed lagu weeraray gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu Maxamed Abuukar Cabdi marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowso.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay weerarkaasi oo markii hore uu dhaawac ka soo gaaray guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn, balse markii dambe u geeriyooday.

 

“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo kooxo hubeysan ay ku weerareen hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi geeriyooday ugu dambeynta.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.

Falkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay marxuumka Koosto Aabihiis iyo sidoo kale xaaskiisa oo haatan loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Xaaladda Wanlaweyn ayaa saaka degan, balse ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here