Diblumaasiyiin Ameerikaan Ah Oo Lagu Qasbay Inay Ka Baxaan Qunsuliyad Ay Shiinaha Ku Lahaayeen

0
317

Diblumaasiyiin Ameerikaan ah ayaa waxa ay isaga tageen qunsuliyadda uu dalkaas ku lahaa magaalada Chengdu ee waddanka Shiinaha, kaddib markii ay dhacay 72 saacadood ee kama dambaysta aheyd ee loo qabtay.

Shiinaha ayaa ka jawaabayay qunsuliyaddii uu ku lahaa magaalada Houston ee uu Mareykanku xiray todobaadkii tegay.

Saacadihii ka horreeyay aroortii Isniinta, ayaa la arkayay shaqaalaha oo wada baakado iyo boorsooyin.

Dhanka kale dad badan oo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee dhismaha qunsuliyadda, iyadoo intooda badan dadkaas ay luxayeen calanka Shiinaha, sawirrana ay halkaas isaga qaadayeen.

Beijing ayaa waxa ay amartay in la xiro howlgalkaas arrintaas oo ay kaga jawaabaysay xiritaankii qunsuliyadda Shiinaha uu ku lahaa magaalada Houston ee Mareykanka, arrintaas oo salka ku haysay eedo ah in qunsuliyadda loo isticmaalayay goob wax laga basaaso.

Trump Xi composite image

Xiisadaha u dhaxeeya labadan quwad ee leh hubka nukliyeerka ayaa cirka iskugu sii shareerayay dhowr arrimood daraadood:

  • Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer waxa ay dhiggiisa Beijing isugu dhaceen arrimo la xiriira ganacsiga iyo cudurka safmarka ah ee fayraska korona
  • Washington ayaa sidoo kale waxa ay cambaaraysay sharciga cusub ee ammaanka ee uu muranka badan ka dhashay ee uu Shiinuhu ku soo rogay Hong Kong
  • Todobaadkii tagayna nin u dhashay Singapore ayaa maxkamad ku taal waddanka Mareykanka waxa uu ka hor qirtay inuu la shaqeynayay sirdoonka Shiinaha
  • Sidoo kale todobaadkii tegay afar qof oo u dhalatay waddanka Shiinaha ayaa waxaa kiisas kala duwan lagu eedeeyay inay been ka sheegeen inay u shaqeynayeen milateriga Shiinaha

Maxaa ka dhacay Chengdu?

Warbaahinta qaranka Shiinaha ayaa waxa ay baahinaysay sawirro gawaari waa weyn oo ka baxaya qunsuliyadda Mareykanka, iyo howlwadeenno astaanta diblumaasiyadeed ka dajinaya dhismaha.

Tobannaan booliska Shiinaha ah ayaa waxaa la geeyay afaafka hore ee qunsuliyadda, kuwaas oo dadka meesha isugu soo uruuray ka dalbanayay inay socdaan ayna isku dayayeen in meesha ay wax uun ka dhacaan.

People taking pictures with their smartphones

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la maqlayay dad orinaya mar uu Axaddii dhismaha ka baxayay bas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Markii diblumaasiyiinta Shiinaha ay ka baxayeen dhismaha howlgalka Houston todobaadkii tegay waxaa ku buuqay dad dibadbaxayay.

Map

Qunsuliyadda Chengdu, ayaa waxaa la dhisay 1985, waxa ayna Mareykanka u qaabilsaneyd dhulka ballaaran ee koonfur galbeed Shiinaha, oo uu ka mid yahay gobolka Tibet, halkaas oo ay muddaba ka socotay cadaadiska ah in madaxbannaani uu helo.

Inta badan howlwadeennada howlgalkaas diblumaasiyadeed ee ka badan 200 ee shaqaalaha ah ayaa waxa ay ka soo jeedeen dadka deegaanka.

Police in Chengdu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here