“Wax Kasta Oo Lid Ku Ah Doorashooyinka Ha Laga Heshiiyo, Ciddii Cabasho Qabtana Hala Qanciyo….” Xildhibaan Qabile

0
316

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudayaanasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka digay Doorashooyin dambe oo dib u dhaca, waxaanu ku taliyey in xal deg-deg ah laga gaadho wax kasta oo dib u dhigi kara.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddo 15 sanno ah ayaanu Golaha Wakiillada joognay oo Doorashadii 2005-kii Doorasho ka dambaysay oo dhacday ma jirin oo dhinaca Doorashada Wakiillada ah, marar badan muddo kordhin ayaa naloo sameeyey, kadib markii ay qabsoomi wayday, sidaas darteed anaga Gole ahaan lexe-jeclo nagama hayso in aanu sii fadhino kuraasta, ee wax kasta oo lid ku ah Doorashooyinka ha laga heshiiyo, oo xal ha laga gaadho, cid kasta oo cabasho iyo tabasho qabtana ha la qanciyo”.

Mar uu ka hadlayey maalmaha fadliga badan ee lagu jiro ayaa yidhi “Mid ka mid ah rukunnada iyo tiirarka islaamka oo ah waajibaadka xajka ayaa maalmo koobani inooga hadheen, maalmo khayr badan baynu ku jirnaa, inkasta oo aan xanuunka Koronuhu uu sabab u noqday in aan la soo xaji karin, haddana guud ahaan umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogto waan u ducaynayaa, waxaana ILLAAHAY inooga baryayaa inuu inoo naxariista, jidka toosana uu mar kasta inagu rido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here