Ururrada Rayidka Ah Oo Sheegay In Madaxtooyada Soomaaliya Ay Ka ‘been Abuuratay’

0
307

Waxaa laba warsaxaafadeed oo kala duwani ka soo kala baxeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah. Xalay ayay ahayd goortii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo ururro metelayey bulshada rayidka ah.

Waxaa se xaalku isbeddelay, markii kulankoodii ay labada dhinac laba war oo kala duwan soo saareen, waxaana Ururrada Bulshada rayidka ay ku eedeeyeen Madaxtooyada Soomaaliya inay ka faafiyeen xog aysan isku ogayn, isla mar ahaantaana madaxweynaha la wadaagin. Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa boggooda baraha bulshada ku baahiyey in ururrada rayidka ahi ayidsan yihiin in dalka ay ka dhaco doorasho qof iyo cod ah, halka Ururrada bulshada Rayidka ahi sheegeen inaysan aragtidaasi qabin.

Waxaana warsaxaafadeedkaas oo lagu baahiyey barta baraha bulshada ee Madaxtooyada Soomaaliya uu u dhignaa sidan:

“Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka danbeeyey oo ay dhankooda soo saareen ururrada Bulshada ayaa ay ku sheegeen inay ‘nasiibdarro’ tahay in wax aysan sheegin laga sheegay, sida ay hadalka u dhigeen. Waxaana warsaxafadeedka kasoo baxay u qornaa sidan:

“Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, waxayna la wadaageen aragtidooda “Waxaa Nasiibdaro ah in warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada in lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

.

Faysal Qaran oo ah xidhiidhiyaha guddida Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Madaxweyne Farmaajo kula kulmay Dhuusamareeb oo BBC-da la hadlay ayaa mar arrintaas ismaandhaafka u dhexeeya labada war ee ay soo kala saareen iyaga iyo Madaxtooyada Soomaaliya wax laga weydiiyey yidhi:

” Qoraal aan ku aragnay page-ka [bogga] madaxtooyada inaan annagu taageersannahay aragtiyaha la isku hayo mid ka mid ah oo ah qof iyo cod, annagu halkan waxaannu u nimi in dadkaa soomaaliyeed ee siyaasiyiinta ah inay heshiiyaan, oo aannu iyaga isu jiidjiidno, ishaysadkooduna uu xanuun ku hayo umadda soomaaliyeed guud ahaan, aannu dareensiinno aannu dhahno isu tanaasula oo heshiiya inta aydan Dhuusamarreeb ka tegin.”

BBC-da ayaa si gaara isugu dayday inay xidhiidh la samayso bahda warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya si ay jawaab ka bixiyaan arrintani, ma ay se suuragelin.

Ururrada Bulshada ayaa sheegay in doorkoodu yahay isusoo dhaweyn ayna la kulmeen dhammaan madaxda kala duwan ee Dhuusamarreeb joogta, iyaga oo raba inay doorkooda ka ciyaaraan kala guurka siyaasadeed ee dalku gelayo. Waxay hore uga qaybgaleen shirkii Maamullada ee todobaaddo ka hor Dhuusamarreeb ka dhacay.

“Annagu dhammaan dhinacyada oo dhan waan aragnay, waxaannu rabney inaan aragno waxa uu madaxweynuhu qabo. Madaxweynaha waxaannu farnay oo u soo jeedinnay in dawladdu qabatay shaqooyin badan dhaxalna ka tegayo, haddii uu doonayo in dhaxalkaasi sii jirana ay tahay in doorashadu si nabada u dhacdo.” ayuu intaasi ku daray Faysal, mar la weydiiyey wixii ay madaxweynaha ka wada hadleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here