Shirkadda caalamiga ah ee diyaaradaha Kenya Airways, oo sannadkaan la filayay in duulimaadyadeeda tooska ah ku tagto garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la joojiyay.
Ku simaha agaasime ku-xigeenka duulista hawada Karanja Ndegwa, ayaa sheegay in duullimaadyada Muqdisho la saaray hakin illaa ay shirkaddu ka soo baxdo shuruudaha caymiska ee Maamulka Hawada Soomaaliya.
Qorshaha lagu bilaabayo duulimaadyada Muqdisho ma ahan macquul waqtigan sababta oo ah caymiska sidoo kale aad ayuu u sarreeyaa,”ayuu yidhi Mr Ndegwa oo lahad layay Business Daily xili uu wareysi siinayay.
Ma sheegin shuruudaha ceymiska dheeriga ah ee looga baahan yahay howlgaladooda Soomaaliya.