DP World Oo Lagu Eedeeyey Inay Dekadda Berbera Keentay Shaqaale Badan Oo Cudurro Halis Ah Qaba

0
336

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee Magaalada Berbera isaga oo sheegay in dad shaqaale ah oo ay keensatay shirkadda DPWorld ay qabaan xanuuno kala duwan oo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto sida uu xildhibaanku hadalka u dhigay.

Shirkadda gacanta ku haysa maamulka Marsada Berbera ee DP WORLD ayaa la sheegay inay Dekadda Berbera ay keentay shaqaale fara badan oo aan siddan war-qadaha Caafimaadka, kuwaas oo la sheegay inay qabaan Xanuuno kale duwan oo halis ah , isla markaana laga cabsi qabo inay si fudud ugu faafin karaan guddaha Magaalada Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanadda golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah muddane laga soo doorto Gobolka Saaxil ayaa arrintaas ka haddlay waxaanu sheegay in shirkada DPWORLD ay Dekadda Berbera keentay shaqaale badan oo aan siddan war-qadaha caafimaadka, waxaanu ugu baaqay Wasaaradda Caafimaadka inay arrintaas baadhitaan buuxa ku samayso si loo badbaadiyo umadda caafimaadka iyo bed-qabka guudna looga wada shaqeeyo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo la haddleyey Telefishanka Codka Bariga Afriga, ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:“Inkasta oo la leeyahay xaalad caafimaad ayay sababi kartaa in shaqaale xanuuno qaba la keenay oo ay warkaa caddayn karaan Wasaaradda Caafimaadka iyo ta heer gobol ee Gobolka Saaxil, haddana waxa la leeyahay DPWORD waxay keentay shaqaale fara badan oo Hindi leh oo Siralankiis leh oo ajaanabi ah. Warqadda Caafimaadka (Medical Certificate) lagama soo siin Dubai iyo meesha lag soo muqaawil gareeyey, waxay sababeen ayaa la yidhi in kiisas badan oo cudurka Covid19 uu magaalada Berbera uu ka dilaaco. Waxa ay sababeen in kiisas badani Magaalada ka dillaaco” Ayuu yidhi

Dhanka kalena Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqaalaha ay DPWORLD keentay Berbera ay qaarkood qabaan cudurrada TB-da, jooniska iyo kuwo kale waxaanu yidhi: “Badhkood in laga helay bahalka la yidhaah-do jooniska oo intiisa badan aan qaarkii dawaba loo haynin ayaa la sheegayaa, waxa kamid ah TB-da.”ayuu yidhi Xildhibaan Qabile oo walaac ka muujiyay xaaladda Caafimaad ee Gobolka Saaxil isaga oo Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo Heer qaranba baaq ugu diray in ay xaaladdaasi u dhug yeeshaan oo ay baadhitaan ku sameeyaan.

Geesta kalene ma jiro wax war ah oo ammuurtan ku saabsan oo kasoo baxay illaa hadda Wasaaradda Caafimadka Somaliland iyo ta gobolka Saaxil balse waxa uu Xildhibaan Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Gobolka Saaxil sheegay in arrintaa si degdeg ah wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here