Dibad-baxyo ayaa lagu soo warramayaa inay maalintii labaad ka socdaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa waxaa dhigaya wadayaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howl-gala magaaladaasi, kuwaas oo cabasho muujinayo.
Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadu ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xidh-xidheen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinkaasi, kuwaas oo aan heysan Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid ee License-ka).
Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay awoodin lacagta lagu jarayo License-ka, iyaga oo tilmaamay inay aad uga badan tahay dhaqaalaha ay ka helaan mootada.
Sidoo kale dibad-baxyada ayaa waxa ay saameeyeen goobaha ganacsiga Laascaanood oo xidhan, iyadoona meelaha qaar laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka ammaanka.
Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale hakad-galay, waxaana badhtamaha magaalada lagu arkayaa dhalinyarada oo gubayo taayaro iyo ciidamada Booliska oo ku sugan isgoysyada qaar, kuwaas oo isku dayaya inay kala eryaan dibad-baxayaasha
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maamulka gobolka Sool uu bilaabay dadaallo looga hortagayo rabshadahaasi, si xal looga gaadho.